Allbanaadir.com
NEWS

Xildhibaano gadoodsan oo digniin adag siiyey Aaden Madoobe

Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka oo la kulmay Guddoomiyaha baarlamankaa Sheekh Aadan Madoobe ayaa u sheegay in Ajandaha Madaxtooyada aan lagu sii wadi karin howlaha Baarlamaanka.

Waxay u sheegeen Guddoonka Baarlamaanka in looga baahan yahay inuu ka baxo jeebka Madaxtooyada iyo Xukuumadda uuna baarlamanka helo madaxbanaanin uu ku wajaho ajendayaasha la horkereno.

Xildhibaannada ayaa ka digay in haddii Guddoonka uu sii wado afduubka uu ku haayo howlaha Baarlamaanka ay qasab noqon doonto inuu xirmo fadhiyada Baarlamaanka, wixii mas’uuliyad ah ee ka dhashana uu qaadayo Guddoonka.

Warkan waxaa allbanaadir Online u xaqiijiyey qaar ka mid ah xildhibaanadii ka qeyb galay kulankaas oo ahaa mid xasaasi ah.

Madaxtooyada ayaa iyadoo isticmaalaysa balan-qaadyo xilal waxay horey u marsatay baarlamanka Somalia ajendayaal xasaasi ahaa oo ay ka mid ahayaeen cutubyadii dastuurka iyo heshiiskii ilaalada xeebaha dalka ee lala galay Turkiga.

Villa Somalia ayaa ku fashilantay iney fuliso balamadii ay ka qaaday xildhibaanada qaarkood oo hadda bilaabay gadood ka dhan ah ajendayaasha Madaxtooyadu ay wadato.

Related posts

Jubbaland oo soo bandhigtay Al-Shabaabkii ugu badnaa ee isku soo dhiibay (Sawirro)

Caydiid Ali

Rooble oo ku wareeray khilaafka aan dhamaadka laheyn ee Mahdi Guuleed & Cabdi Xaashi

Caydiid Ali

Madaxweyne Deni oo Maxkamad ku cadaadinaya Burinta Go’aankii Baarlamaanka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---