Allbanaadir.com
NEWS

Xaalad adag oo la soo deristay Netanyahu ka dib Markii..

Xeer Ilaaliyaha guud ee Israa’iil ayaa ka diidday RW Netanyahu in dib loo dhigo dacwada kiisaska musuq maasuqa ee loo heysto, kaddib markii uu codsaday illaa November in dib loo dhigo.

Mid ka mid ah ujeeddooyinka gaarka ah ee Netanyahu uu u doonayo inuu socdo dagaalka Qasa, ayaa lagu eedeya inay tahay hab uu ku doonayo inuu uga baxsado kiisaska musuq maasuqa ah ee loo heysto

Ka hor 7dii Oktoobar markii uu dhacayey weerarkii Xamaas, waxaa ka socday gudaha Israa’iil bannaanbaxyo waaweyn oo lagu dalbanayay Netanyahu inuu xilka ka deggo, isla maalinta weerarka uu dhacay maamulka Netanyahu ayaa soo saaray amar lagu mamnuucay isku soo baxyada, sababo la xiriira dagaalka.

Wuxuu hadda la kulmaya marxalad aan horey u soo marin Netanyahu, qoysaska maxaabiista ayaa xiray waddooyinka Tel Aviv, iyagoo u diidday wasiirrada inay ka soo baxaan guryahadooda, saraakiisha militariga ayaa u sheegay inaysan sii wadi karin dagaalka, halka Mareykanka uu ka hor istaagay, sabab uu dagaalka ku dheereyn karay Netanyahu, oo dejiyay qorshe lagu weerarrayo Lubnaan

Waddada kaliya ee badbaadada u leh Netanyahu, hadda waa heshiis , taasoo ay xataa ku riixayaan saraakiisha sirdoonka ee wada-xaajoodka ku matalaya Israa’iil, iyadoo dhexdhexaadiyayaasha Qatar iyo Masar ay u sheegeen Mareykanka caqabadaha ka jira dhinaca Israa’iil, xilli maamulka Biden uu dadaal ku bixinaya in la joojiyo dagaalka.

Ugu yaraan 10 askari ka tirsan ciidanka Israa’iil  ayaa lagu dilay howlgal gaadmo ah oo ay Xamaas ka fulisay Rafah, sida ay sheegtay Al-jazeera oo xiganaysa wargeyska Wall Street Journal ee ka soo baxay mareykanka.

Related posts

Madaxweyne Deni & oo si diiran loogu soo dhoweeyey Magaalada Baydhabo (Sawirro)

Caydiid Ali

Iska horimaad khasaare nafeed geystay oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Caydiid Ali

Wararkii Ugu Dambeeyay Dhaawaca Saney Cabdulle iyo Dowlada oo loo diiday in lagu wareejiyo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---