Allbanaadir.com
NEWS

Xamse & Dr. Fu’aad Xuseen oo 5 arrin ka wada hadlay (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa la kulmay Ra’iisul Wasare ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Ciraaq Mudane Dr. Fu’aad Xuseen.

Labada masuul ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga qotada dheer ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Ciraaq.

Sidoo kale waxaa kulanka diirradda lagu saaray iskaashiga dhinacyada amniga, waxbarashada, caafimaadka, dhaqaalaha, maalgashiga iyo horumarinta.

Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa la wadaagay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Ciraaq, guulaha ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka gaartey xasillinta dalka, dib-u-dhiska hey’adaha amniga, kobcinta dhaqaalaha, la dagaallanka Argaggixisada iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya oo booqasho ku jooga baqdaad ayaa la kulmay madax kala duwan oo ay ku jiraan Madaxweynaha iyo Raisul wasaaraha dalkaas.

Related posts

Xamse Barre oo la kulmay wafdi sare oo ay horkaceysay Mss Rita Laranjinha (Sawirro)

Caydiid Ali

Dowladda oo Shaacisay in ay xirmeen qaar kamid ah garoomada diyaaradaha ee dalka

Cabdi Cade

Booliska Jubbaland oo Kismaayo ku qabtay Maandooriye aad u badan (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---