Qiimaha 40 gantaal oo saacadihii hore ee maanta uu Ruushka u qaybiyay magaalooyinka Ukraine oo ay ku jirto caasimada Kyiev ayaa la shaaciyey
Warbaahinta Ruushka ayaa sheegtay in qiimo ahaan gantaaladaas ay ku fadhiyaan aduun gaaraya 232 milyan oo dollar.
Tan ayaa ka dhigan in Ruushka weerar saacado wax ka yar labo saac uu ku bixiyay wax ku dhow rubac miisaaniyadeedka Soomaaliya ee halka bilyan oo 70% ah deeq ay ka hesho reer galbeedka iyo Carabta.
Ruushka ayaa gantaallo badan ku garaacay Kyiv iyo magaalooyinka kale ee Ukraine, weerar dhif iyo naadir ah oo lagu dilay ugu yaraan 20 qof guud magaalooyinka ay gantaalada ku dhaceen , iyadoo qayb ka mid ah gantaalada ay ku dhaceen iskuul ay wax ku bartaan carruurta.
Madaxweynaha Ukraine , Volodymyr Zelenskiy ayaa sheegay in ciidamada Ruushka ay soo rideen in ka badan 40 gantaal oo lala beegsaday magaalooyin kala duwan, isla markaana ay waxyeelo u geysteen kaabayaashii dhaqaalaha, ganacsi iyo dhismayaal la deggan yahay oo ku yaalla magaalooyinka kala duwan ee Ukraine.