Taliyaha ciidanka Dhulka Xoogga dalka Soomaaliyeed Gen. Dayax Cabdi Cabdulle ayaa maanta gaaray degmada Al-kowthar iyo degaanka Daaru-nicma ee gobolka Shabeelada dhexe.
Waxaa halkaas Taliyaha ku soo dhaweeyay Saraakiil ka tirsan Xoogga dalka iyo qaar ka mid ah Taliyayaasha ciidanka degaanka macawisleyda.
Taliyaha ayaa khudbad dhiiri gelin iyo dardaaran isugu jirta u jeediyay Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa degaanka ee ku sugan aaga hore ee degmada Al-kowthar iyo degaanka Daaru-nicma.
Sidoo kale taliyaha ayaa balamo uu ka wado madaxda sare ee dalka waxa uu ka hor sheegay ciidanka difaaca qaranka, waxaana cid kasta oo keenta madax shabaab la siinayaa (5 kun oo Dollar) iyo agabka uu ka soo qaniimeysto oo loo qiimeeynayo.
Muhiimadda safarkan taliyaha uu ku tegay difaacyada hore ee ciidanka xoogga iyo Xoogaga degaanku ay kaga sugan yihiin Shabeelaha dhexe ayaa ahaa dhiiri gelin iyo dardar gelinta howlgalada dalka looga saarayo al shabaab.