Allbanaadir.com
NEWS

Xamse & Madaxweyne Rashiid oo ka wada wadahadlay..(Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan muhiim ah la qaatay Madaxweynaha dalka Ciraaq, Mudane Cabdi-Ladiif Jamaal Rashiid.

Ra’iisul Wasaaraha oo soo dhaweyn heer sare ah loogu sameeyay Qarsiga Baqdaad, ayaa gaarsiiyey Madaxweyne Ladiif dhambaal iyo farriin uu uga siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh, isaga oo la wadaagay horumarka ay ku tallaabsadeen shacabka iyo dowladda Soomaaliya.

Madaxweynaha Ciraaq Mudane Cabdiladiif Rashiid oo soo dhaweeyay booqashada Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku tilmaamay tallaabo wanaagsan oo lagu xoojinayo xiriirka labada dal, laguna ballaarinayo iskaashiga dagaalka ka dhanka Argagixisada, Diblomaasiyadda iyo deeqaha waxbarashada ee ardayda Soomaaliyeed u aadaan Jaamacadaha Dalka Ciraaq.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa xaqiijiyay in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta xiriirka labada dal ee dhinacyada kala duwan, si loo adkeeyo amniga, nabadda, iyo xasilloonida gobolka.

Related posts

Boolis gacanta ku dhigay nin doonayey inuu iibiyo Ilmo yar oo uu dhalay (Sawirro)

Caydiid Ali

Wasiirkii hore ee Arimaha Dibadda oo kasoo horjeestay in Dowlada Farmaajo waqti kororsi sameysato

Cabdi Cade

Mid ka mid ah fanaaniintii caanka ahaa ee hobolada Waaberi oo geeriyooday

Caydiid Ali
Taboola Ads ---