Allbanaadir.com
NEWS

Walaac xooggan oo lasoo darsay Ra’isul Wasaare Abiy Axmed

Dowladda Itoobiya oo sannado badan la daalaa dhacaysay khilaaf siyaasadeed oo hoose ayaa sidoo kale halis ugu jira in la isku dayo in la afgambiyo dowladda, sida uu sheegay Ra’iisul wasaare Abiy Axmed intii ay socotay khudbadii furitaanka fadhiga Baarlamaanka ee 4 bishan.

“Dhawaan, odayaasha iyo dadka kale waxay yeelanayeen dooddo ku saabsan in afgambi la sameeyo,” ayuu Abiy u sheegay xildhibaannada, isagoo intaa ku daray “Aan ku siiyo talo… inqilaab laguma guulaysan karo Itoobiya. Waxa aanu u dhisnay hay’adahayaga si aanu uga hortagno afgambiga… Inqilaabka kaliya ee abid ka dhacay Itoobiya wuxuu ahaa 50 sanno kahor — Hadda ma guulaysan karto.”

Abiy ayaa ka gaabsaday inuu si dhab ah u qeexo cidda saxda ah ee “talada” loo jeediyay, si kastaba ha ahaatee, sida ay soo bandhigtay Thereport oo xiganaysa ilo-wareedyo , xukuumadda Abiy ayaa hadda ka feejigan khataraha afgambiga ee la dareemayo. Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Xukuumadda Abiy ay qaadayso tallaabooyin ay ka mid yihiin adeegsiga baraha bulshada si ay uga hortagaan sheekooyinka iyo xoojinta ammaanka meelaha qaar oo ay ku jirto Addis Ababa.

Walaaca laga qabo afgambiga ka dhici kara Itoobiya ayaa soo ifbaxay kaddib markii ay bilowdeen wada hadal u dhaxeeya dawladda Mareykanka iyo madaxda xisbiyada mucaaradka Itoobiya iyo sidoo kale xubno saameyn ku leh jaaliyadda Itoobiya ee degan Mareykanka, si la mid ah tallaabooyinkii uu Mareykanka qaaday ka hor inta uusan gelin Ciraaq iyo Liibiya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
.

Related posts

Gantaal laga riday gudaha Siiriya oo bur buriyay Diyaarad ay leedahay Isra’il (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Akhriso Magacyada iyo Qabiilada Taliyaasha iyo Agaasimayaasha uu Magacaabay Madaxweyne Farmaajo

Cabdi Cade

Wararkii Ugu Dambeeyay weerarkii ka socday Hotelka Xayaat iyo sida hada xaal yahay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---