Wararka ka imaanaya degmada Luuq ee gobolka Gedo, ayaa sheegaya in xaalada degmadaasi oo maalmihii lasoo dhaafay dagaallo culus ka socdeen ay saakay degan tahay, waxaana wali is horfadhi ciidamadii halkaasi ku dagaallamayay.
Waxaa jira cabsi laga qabo in mar kale dib u dagaallamaan labada maleeshiyo beeleed ee halkaasi ku dagaallamaya, kuwaa oo taageero xooggan ka kala helaya ciidanka dowladda iyo kuwa Jubbaland ee degmadaasi ku sugnaa.
Dagaal culus oo dhiig badan ku daatay ayaana shalay ka dhacay degmada Luuq, dagaalka shalay oo aad uga xooganaa kuwii maalmihii hore ayaa sababay khasaarooyin badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray shacab iyo dadkii kale ee dagaallamayay.
In ka badan 15-qof oo u badnaa dhinacyadii dagaallamay ayaa shalay ku dhintay dagaalkii ka dhacay Luuq, waxaa sidoo kale dhaawacyada dad badan qaarkood la geeyay degmooyin kale oo katirsan gobolka Gedo , si halkaasi loogu daweeyo.
Dowladad Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland ayaa ku guuldareestay in xal u helaan dagaalka ka socda degmada Luuq, waxa ayna madaxda DFS iyo kuwa Jubbaland soo saareen kaliya baaqyo nabadeed, kuwaa oo u muuqda in dhagaha ka fureesteen dhinacyada dagaallamaya.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com.