Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo la kulmay Madaxa Al Xikma

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magaalada Bagdaad kula  kulmay Madaxa Dhadhaqaaqa Al-Xikma ee dalka Ciraaq, Sheekh Cammaar Al-Xakiim.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Hoggaamiye Al-cammaar ayaa ka wada hadlay xiriirka taariilkhiga ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Ciraaq, iyadoo mudnaanta la siinayo iskaashiga heer Carbeed ee arrimaha masiiriga ah.

Sheekh Cammaar Al-Xakiim ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga warbixiyey dhaqdhaqaaqa Al-Xikma ee hormuudka u yahay, kaas oo door wanaagsan ka qaata siyaasadda dalka Ciraaq, isaga oo muujiyey sida uu ugu faraxsan yahay in dib loo cusboonaysiiyo xiriirka labada dal.

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya oo safar ku jooga dalka Ciraaq ayaa horey ula kulmay madaxda ugu sarrreysa dalkaasi, kuwaa uu kala hadlay xoojinta xirirka ka dhaxeeya labada dal iyo arrimo kale oo labada dal muhiim u ah.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
.

Related posts

Qaraxyo saaka lagu weeraray guri uu degena taliyaha Nabad Sugida degmada Dayniile

Caydiid Ali

Qaad la’aan maanta ka jirta Muqdisho & Suuqyadii lagu iibin jiray oo haawanaya (Sababta)

Caydiid Ali

Duqa Muqdisho oo Magaalada Gineva kula kulmay Mr. Sami Kanaan (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---