Allbanaadir.com
NEWS

Madaale & laamaha amniga oo kulan deg deg yeeshay (Sawirro)

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Sulub Axmed Firin iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo kusimaha Taliyaha hey’adda NISA Mudane Muhiyadiin Warbac ayaa guddoomiyay shir loogu hadlaayay dar-dargelinta Amniga Caasimadda Muqdisho.

Shirkaan oo ay goobjoog ka ahaayeen Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) iyo saraakiisha u xilsaaran amniga magaalada Muqdisho ayaa warbixin la xariirta dhinaca Amniga waxaa looga dhageystay Hey’addaha kala duwan ee Amniga, kuwaasi oo soo bandhigay isbadalka ku dhacay Amniga  Muqdisho.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Madaale ayaa  ku amaanay Saraakiisha  laamaha Amniga sida ay habeen iyo maalin ugu taagan yihiin ilaalinta nafta iyo maalka muwaadinka Soomaaliyeed, isagoona kula dar-daarmay in la xoojiyo amniga ay ku nool yihiin  shacabka ku dhaqan Gobolka Banaadir.

Related posts

Al Shabaab oo ka hadashay in ay Wadahadal la galayaan Dowladda cusub ee Soomaaliya

Cabdi Cade

Gaari uu leeyahay Xildhibaan Daahir Jeesow oo Muqdisho lagu qarxiyay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Deeegaan Dhawwaan Degmo laga dhigay oo dhisanaya Garoon Diyaaradeed (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---