Waxaa wax lala yaabo ah in Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) uu maanta u dabaal-dego cadaalad uu sheegay in ay siisey Maxkamada Gobolka Banaadir, si dhiirranna isku jooxaarinaya in la dulmiyey oo dacwad been abuur ah lagu soo abaabuley haddaba xaqiiqadu waxa ay tahay in Koofi intii uu uu joogay xafiiska Hay’adda Socdaalka iyo Jinisyadda uu dalka ka dhacay hanti badan taas oo lagu aaminay.
Haddaba maxay tahay xaqiiqada taala iyo qodobo u baahan Jawaabta?
Eeddu waxa ay ahayd in lagu xaday xafiiska Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda muddadii uu koofi ka ahaa agaasimaha hay’adda lacag dhan $20Milyan oo doolar.  Waxaana loo soo eedeeyey dambigaas koox ay masuuliyadeeedu ahayd in ay isla xisaabtanto oo ku heshiiyey in ay si abaabulan oo wadashaqeyn ah u dhacaan Xoolaha Ummadda.. Waxaana maxkamada laga eedeeyey 23 shaqaale iyo Agaasimiyaal isku jira oo uu Mudane Koofi ugu Masuuliyad weyn yahay.
2. Maxkamaddu maxay ku xukuntay shaqaalihii uu Madaxda u ahaa KOOFI?
Maxkamadu waxa ay qirtay jiritaan dhacaas xoolaha ummadda waxa ayna xukuntay shaqaalihii Hay’adda Socdaalka & Jinsiyada; iyada oo si gaar ah ugu xukuntay xabsiyo dambiyo waaweyn dhalinyaradii ka hoos shaqeynaysay mudane Koofi ee kala ah:
Maxakamaddu waxaa kale oo ay xukuntay shaqaale la shaqeeynay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyada iyo ka socda bangiga dhexe, wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha iyo Wasaaradda Maaliyadda kuwaas oo lagu xukumay :-
1. Cabdiraxmaan Cabdikariim Ibaarhim, 9 sano oo xarig ah.
Sideed kamid ah kooxdii loo xukumay fal-dambiyeedkan ka dhacay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda xiligii uu mudane Koofi ka ahaa Agaasimaha waxa lagu xukumay 8 kamid ah shaqaalihiisa iyo xafiisyadii la shaqeynayey in si joogto ah mardambe u qaban karinin shaqo dowladeed.
Haddaba sida ku cadeed warbixinta uu jeediyey Xafiiska Hanti-dhowrka qaranka waxaa si weyn u kordhacay dakhligii ka imaan jiray Hay’adda Socdaalka iyo JInisyadda tan iyo waxii ka dambeeyey markii la eedeeyey gaar ahaan madaxyadan:-
Haddaba waxaa la yaab leh in la xukumo shaqaalahii hoose ee loo isticmaalay in magacooda wax lagu xado islamarkaana la cafiyo lagana dhigo dambi la.aan masuulkii amarka siinayey shaqaalaha hoose waxii soo xaroodana toos jeebka ugu shubtay ee guryo waaweyn kaga dhistay Soomaaliya, Kenya iyo Turkiga ee ku Magacawnaa Masuulka ugu sareeeya hay’adda Mudane : Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi)
10. Maxaa loo dabaaldagayaa?
Waxaa loo dabaaldagayaa in uu ka xoolaystay dhacayna islamarkaana isaga oo isticmaalaya cadaadis beeleed la beri yeelay halka lagu xukumay shaqalihii ka hooseeyey.
11. Baaq: Masuuliyiinta Dowladda?
Masuuliyiinta dowladda in ay ilaahey ka cabsadaan haddii aan maanta dacwo laguu qabsan maanta waa maalin aduunyo ee waxaa imaan doonta maalin la is xisaabiyo oo aysan waxaba qarsoomeyn.
12. Baaq Shaqaalaha Dowladda:
Iska ilaali yuusan masuulka kaa sareeya saxiixaaga iyo magacaaga xoolaha ummadda ku cunin berina adiga laguu xukumin.
W/Q Yayhe Jaamac Cali
FG. Qoraalkan kama turjumeydo aragtida Shabkadda Allbanaadir, waxa ay gaar u tahay qoraha ku saxiixan.