Wasiirka difaaca Israa’iil, Yoav Gallant ayaa markii u horreysay tan iyo bilowgii dagaalka ku dhawaaqay inay ku jiraan waqti adag oo xasaasi ah, isagoo caddeeyay inay u baahan yihiin inay soo gabagabeeyaan heshiiska xabbad-joojinta Qasa, si loo sii daayo maxaabiista, sida ay sheegtay Al-jazeera oo xiganaysa telefishinka Israa’iil ee Channel 12.
Israa’iil ayaa horey u burburisay heshiis kasta oo la isku dayay, si loo joojiyo dagaalka, waxayna ahayd diidmo ka imaanaysay Netanyahu, hadda hadalkan wuxuu ka soo baxay Wasiirka difaaca, taasoo ka dhigan militari ahaan, ma ay doonayaan ciidanka inay sii wadaan dagaalka, sababtoo ah xaaladda ka jirta goobta dagaalka.
Telefishinka Al-jazeera ayaa laga sii daayay, in kulan saacado ka hor ay yeesheen Netanyahu iyo Gallant, inuu ku dhammaaday cannaan, ka timid Netanyahu oo saraakiisha sare ee militariga ku eedeynaya inay doonayaan xukuumadiisa inay afgembiyaan, taasoo ku soo aaday saacado kaddib markii taliska dhexe ee militariga Israa’iil uu wargeliyay Netanyahu, saraakiisha hoggaaminaysa dagaalka ee ku sugan gudaha Qasa, inay soo gudbiyeen qoraal wadajir ah oo ay ku dalbanayaan heshiis dhaqso ah iyo inay taageerri doonaan nooc kasta oo heshiis lala galo Xamaas.
Wuxuu hadda la kulmaya marxalad aan horey u soo marin Netanyahu, qoysaska maxaabiista ayaa xiray waddooyinka Tel Aviv, iyagoo u diidday wasiirrada inay ka soo baxaan guryahadooda, saraakiisha militariga ayaa u sheegay inaysan sii wadi karin dagaalka, halka Mareykanka uu ka hor istaagay, sabab uu dagaalka ku dheereyn karay Netanyahu, oo dejiyay qorshe lagu weerarrayo Lubnaan
Waddada kaliya ee badbaadada u leh Netanyahu, hadda waa heshiis, taasoo ay xataa ku riixayaan saraakiisha sirdoonka ee wada-xaajoodka ku matalaya Israa’iil, iyadoo dhexdhexaadiyayaasha Qatar iyo Masar ay u sheegeen Mareykanka caqabadaha ka jira dhinaca Israa’iil, xilli maamulka Biden uu dadaal ku bixinaya in la joojiyo dagaalka.