Allbanaadir.com
NEWS

Maleeshiyaad dagaallamay oo lakala qaaday iyo Heshiis …

Mas’uuliyiinta Puntland iyo Galmudug ayaa ku guuleeystay in Ciidamo isku dhaf ah ay kala dhax dhigaan meleeshiyo beeleedkii dhawaan ku dagaallamay galbeedka gobolka Mudug.

Kulankaan aya waxaa goobjog ka ahaa wasiiro iyo xildhibanno ka kala socda Puntland iyo Galmudug, maamulka gobolka ee labada dhinac, maamulka degmada, saraakiisha ciidamada darawishta, madaxtooyada iyo ciidamada isku dhafka iyo mas’uliiyiin kale

Labada dhinac ayaa ku heshiiyay in Maleeshiyo Beeleedkii ku dagaalamay degaanada Galbeedka Gobolka Mudug la kala geeyo Dagmooyinka Goldogob iyo Bandiiradleey.

Sidoo kala labada Maamul Madax ka socata ay si wadajir ah kormeer ugu sameeyaan goobaha Maleeshiyaadka laga qaado si loo hubiyo dhaqan galka Kala qaadista Maleeshiyaadka

Marka la xaqiijiyo dhaqan-gelinta heshiiskaasi Hordhaca ah ee Xabad joojinta iyo kala qaadista Maleeshiyaadka kadib in loo gudbo dhameystirka Heshiiska Shir looga wada hadlayo xal gaarista sababaha soo celceliya Colaada iyo Dirirta uu ka furmo Magaalada Gaalkacyo.

 

Related posts

Qaraxyo caawa laga maqlay qeybo ka mid ah Muqdisho

Caydiid Ali

Taliye Odowaa & Saraakiil Mareykan ah oo kulamo ka wada Beladweyne (Sawirro)

Caydiid Ali

Dil dad badan ka argagaxeen oo ka dhacay xaafad katirsan magaalada Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---