Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan oo eedeyn culus u jeediyay Al Shabaab

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ,ayaa ku eedeeyay kooxda Al Shabaab in iyagu ka dambeeyaan qaar kamid ah dagaal beeleedyada kasoo cusuboonaaday deegaanno dhowr ah oo ku kala yaalla dowlad goboleedyada dalka.

Maalmihii lasoo dhaafay dagaal salka ku hayay isku dhac qabiil ayaa ka dhacay deegaanno iyo degmooyin katirsan dowlad goboleedyada Galmudug, Koonfur Galbeed, Puntland , Galmudug, iyo kii ugu dambeeyay oo shalay ka dhacay degmada Luuq ee maamulka Jubbaland.

Xasan Sheekh ayaana sheegay in dagaalladan soo noq noqday qaarkood yihiin mid ay qorsheeyeen kooxaha argagaxisada ah , kuwaa uu tilmaamay in ay isaga horkeenayaan shacabka Soomaaliyeed, si looga mashquulo dagaalka iyaga looga soo horjeedo dalkana looga xureenayo.

”Baryahaan dagaalada ahliga ah ee soo noqnoqday, waa qayb ka mid ah qorshaha cadawga iyo argagixsada ay iskaga horkeenayaan shacabka Soomaaliyeed, si aan uga sii jeesanno ka xoreynta dalka ee Khawaariijta ” Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ay sameeyeen dedaalo dhowr ah oo xal loogu raadinauo colaadaha beelaha, waxa uuna bogaadiyay siyaasiyiinta iyo odayaasha u taagan deminta colaadaha sukeeye.

”DFS iyo DG waxay sammeeyeen daallo lagu kala dhexgalayo laguna nabadeynayo degaannada colaadduhu ka jiraan. Waxaan bogaadinayaa dowlad goboleeyda ku howlan damminta colaadaha ka jira degaannada qaarkood. Waana waajib dhamaanteen ina saaran inaan u guntano joojinta coladahaas. Waxaan sidoo kale bogaadinayaa siyaasiyiinta, odayaasha dhaqanka,culimada iyo ururrada bulshada ee iyagane ku howlan damminta colaadaha” ayuu yiri Madaxweyne Xasan.

Hadalka Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kusoo aadaya xilli uu joogsaday dagaalkii looga soo horjeeday Al Shabaab, taa badalkeedana dalka qeybo kamid ah ka dhaceen dagaallo salka ku haya qabiil , kuwaa oo ay ku daateen dhiig badan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
.

Related posts

(Sawirro) Cali Guudlaawe oo dhagax dhigay Isbitaal cusub oo laga dhisayo Moqokori

Caydiid Ali

Faah faahino kasoo baxaya Dil Nabadoon caan ah loogu geestay magaalada Muqdisho

Cabdi Cade

Wasiiro katirsan Puntland oo caawa xilka laga qaaday iyo kuwa cusub oo la magacaabay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---