Wakiillo kala matalayay dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa dhawaan wadahadallo fashil kusoo dhammaaday ku yeeshay magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga, waxa ayna labada dal mar kale u ballameen in wadahadallo kale isugu yimaadaan.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad u jeediyay xildhibaannada labada Aqal ayaa ku eedeeyay dowladda Itoobiya in ay jabisay xeerarkii caalamka u yaallay, ayna gashay qalad diblumaasiyadeed oo loo wada jeedo.
”Dowladda Etoobiya iyadaa caalamka wareegeysa iyadoo ka carareysaa qaladkii ay ka gashay diblomaasiyadda iyo xeerarka caalamka ee dunida ilbaxa ah ku dhaqanto. Shalay iyadaa jabisay daris wanaaggii iyo ku dhaqanka qaanuunka caalamkamaantana iyadaa wali diidan. Itoobiya waligeed inta si darisnimo ah noogu timid marna nagalama hadlin arrimaha maanta taagan. Nasiib darro iyadaa wareegaaleysaneysa meel kasta oo leh ha nala heshiisiiyo Soomaaliya. Soomaaliya ma aha midda xadgudubtay ama diidan heshiis. Xaalka dowladda Etoobiya waa HASHA IYADAA CUNEYSA OO CABAADEYSA” ayuu yiri Madaxweynaha.
Waxa uu sheegay Madaxweyne Xasan Sheekh in ay diyaar u yihiin wadahadal iyo in heshiis daris wannaag ku dhisan, waxa uuna xusay in dowladda Itoobiya aysan u muuqan mid rabta nabad iyo daris wannaag, waxa uuna caddeeyay in aysan jirin wax cadaawad ah ay u qabaan shacabka Itoobiya.
”Soomaaliya waxay diyaar u tahay heshiis, nabad iyo deris wanaag. Laakin sida dowladda Itoobiya wax ku waddo ma aha waddo tagto meel nabad ah. Waxaan rabaa inaan caddeeyo wax Cadaawad ah uma qabno Shacabka Etoobiya. Waxaana la jecelnahahy nabad deggenaansho iyo iney ka gudbaan caqabadaha haysta maanta” ayuu yiri Madaxweynaha.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale ku eedeeyay dowladda Itoobiya in masuul ka aheud fashilka ku yimid wadahadalladii dowladda Turkiga martiggelisay, waxa uuna tilmaamay in Itoobiya uusan mowqifkeedii hore ee heshiiskii sharcidarada haaa ee gashay uusan waxba iska bedelin.
”Toddobaadkii la soo dhaafay walalaheen Turkida ayaa noogu yeeray inaan aqbalno Gogol ay Itoobiya codsatay. Nasiib darro Itoobiya mowqifkeedii waxba iska badalin. Waana middaas sababta keentay in gogosha la madlo, annagoo aanan kulmin. Annagu ma madlin gogosha ee Itoobiya ayaa sidaas codsatay. Waxay horay u codsatay in dib loo dhigo gogol billaw ahayd oo Nairobi ka furantay dibna uguma soo noqon. Waxaan rajeyneynaa tanne in aaney sidii tii hore oo kale ka baxin ballanta aan la soo galnay walaalaheen Turkiga” ayuu yiri Madaxweynaha.
Hadalkan kasoo yeeray Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa imaanaya xilli bisha soo socota ee Agoosto Soomaaliya iyo Itoobiya mar kale wadahadlloo la filayo in ay ku yeeshaan Turkiga, lamana oga waxa kasoo bixi doono wadahadalka loo madalsan yahay.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com.
.