Allbanaadir.com
NEWS

Booliiska Muqdisho oo xiray nin hab dhaqankiisa la fahmi waayay

Ciidanka booliiska qeybta gobolka Banaadir ayaa xabsiga dhigay nin dhallinyaro ah oo caan ka ahaa baraha bulshada gaar ahaan Tiktok, kaa oo muddooyinkii lasoo dhaafay hadal heyntiisa heesatay baraha bulshada iyo hab-dhaqankiisa oo dadka qaar fahmi waayeen.

Ninkan booliiska xireen oo lagu magacaabo Ashraf Cali Nuur Sahal 24 jir, ayaa lagu eedeeyay in uu sameenayay falal dhaqanxumo ah , waxa ayna booliiska xuseen in ay kahor tagayaan fal kasta oo kahor imaanaya diinteena iyo dhaqankeena.

”Ciidanka booliiska Soomaliyeed ayaa soo xiray eedeysane Ashraf Cali Nuur Sahal 24 jir ah kuna eedeysan anshaxdaro. Ciidanaka booliiska Soomaaliyeed waxa ay u taaganyihiin wax ka qabashada fal-kasta oo wax u dhibaya dhaqankeena suuban iyo diinteena sharafta leh” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saareen.

Ninkan booliiska xireen ayaa si weyn hadal heyn uga abuuray baraha bulsada kaddib wareysi laga qaaday, ninkan ayaana marar badan muuqaallo iska soo duubay isaga oo lacago badan kaga adeegamaya suuqyada Muqdisho , waxa ayna dad badan fahmi waayeen halka uu lacaga ka helo iyo hab-dhaqankiisa.

Hooyada dhashay ninkan dhallinyarada ah ee la xiray oo la hadashay warbaahinta ayaa sheegtay in wiilkeeda uusan sameyn wax qalad ah, waxa ayna tilmaantay waxyaabaha dadka qaar ay ku tilmaameen in uu yahay been abuur.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Gudoonka Baarlamaanka oo Wasaarada Maaliyadda ka raali galiyay Warbixintii Guddiga Maaliyadda

Cabdi Cade

Saciid Ciise: ” Mucaaradku ha joojiyaan hanjabaada, hana siiyaan fursad ay madaxdu gacmahooda Isfashiliyaan”

Caydiid Ali

Ina Raggow “ Dumarka maa dulmiga ka deysaan”

Cabdi Cade
Taboola Ads ---