Allbanaadir.com
NEWS

Jabuuti oo casuuntay hogaamiyaha SSC Khaatumo

Hoggaamiye Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali ayaa safar shaqo ugu anbabaxay dalka Djibouti kadib markii uu casuumaad ka helay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Safarka Hoggaamiyaha ayay muhiimadiisu tahay xoojinta walaalnimada, nabadda,  xasilloonida Gobolka iyo taageerada dhismaha Dowlad-dhiska Soomaaliya.

Safarkan Hoggaamiyaha waxaa ku wehelinayey qaar kamid ah Xubnaha Golaha Wasiirrada Maamulka gaar ahaan Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dibu heshiisiinta, Wasiirka Biyaha iyo Korontada, iyo la taliyayaasha sare ee Hoggaamiyaha.

SSC ayaa intii uu socday dagaalkii Laascaanood ku eedeysay Jabuuti iney hub iyo saanad ku taageerayeen ciidamadii Somaliland ee halkaas ka dagaalamayey.

Casuumadan Jabuuti u fidisay hogaamiyaha SSC ayaa ku soo aadeysa xili uu soo kordhayo khilaafka soo kala dhex galay Maamulka Somaliland iyo Jabuuti tan iyo markii Muuse Biixi uu heshiiska badda la galay maamulka Abiy Ahmed, iyadoo labada dhinac ay maalmo ka hor is dhaafsadeen eedeymo iyo ereyo kulul.

Dhinaca kale, Hoggaamiye Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali ayaa inta uusan dalka ka dhoofin hoyga uu ka deggan yahay caasimadda Muqdisho ku qaabilay qaarka ka mid ah odayaasha dhaqanka Gobolka Awdal oo uu hoggaaminayey Suldaan Diiriye Suldaan Axmed iyo Nabaddoon Suleymaan.

Hoggaamiyaha ayaa odeyaasha dhaqanka iyo shacab weynaha Gobolka Awdal ba ku bogaadiyey doorka shariifka ah ee ay ka qaadanayaan ilaalinta midnimada iyo  jiritaanka Qaranka Soomaaliyeed. Isagoona ku dhiirrigeliyey inay sii labajibbaaraan dedaalka ay ugu jiraan sidii ay u hanan lahaayeen ugana tashan lahaayeen aayahooda iyo masiirkooda.

Dhankooda, Odeyaasha Dhaqanka ayaa Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo iyo shacabka SSC-Khatumo ba ugu hambalyeeyey guushii taariikhiga ahayd ee ay gaareen 25-kii August-2023, iyo sidii qaayaha lahayd ee ay shacabka SSC-Khaatumo dhulkooda uga nadiifiiyeeen cadawgii ku hawlanaa kala gaynta Ummadda Soomaaliyeed.

Related posts

Shacabka Lughaya oo wacad ku maray iney iska ka difaacayaan Itoobiya (Sawirro)

Caydiid Ali

Shirkado qeyb weyn ka qaatay Bilicda iyo Nadaafada magaalada Muqdisho

Cabdi Cade

Dowlada iyo Ahlu Sunna oo Heshiis Cusub gaaray iyo Xildhibaano badan oo la siiyay Ahlu Sunna

Cabdi Cade
Taboola Ads ---