Allbanaadir.com
NEWS

Somalia oo ururka EAC siisay $7.8 milyan (Maxay tahay?)

Soomaaliya ayaa lagu warramaya inay bixisay $7.8 milyan oo qayb ka ah miisaaniyad sannad maaliyadeedka 2024/25 ee ururka Bulshada Bariga Afrika oo dalku dhowaan ku biiray.

Bixitaanka miisaaniyadda ayaa Soomaaliya gacan ka siinaysa in la dedejiyo khariirada lagu dhammeystirayo sidii ay Soomaaliya ku heli lahayd xuquuqda ku biirista ururkan oo ay ka mid tahay isku socodka xorta ah ee bulshada iyo ganacsiga.

Dal walba oo xubin ka ah EAC sanadkii waxaa waajib ku ah inuu bixiyo 8.4 Million oo Dollar taasoo miisaaniyada uu ururku ku howlgalo.

Soomaaliya maadaama ay bixisay 7.8M waxaa baaqi ku ah $600 oo kun sida ay baahisay jariidada The east african ee ka soo baxda Kenya.

Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo oo labo sanno ka hor ku biirtay ayaan illaa hadda hal dollar ku biirin miisaaniyadda ururka EAC ee isdhaxgalka bulshada bariga Afrika.

 

Related posts

Farmaajo oo ka qeyb galay Caleemo saarka Madaxweynaha cusub ee dalka K/Afrika (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxtooyada Jubbaland oo War cusub kasoo saartay arimaha Doorashada iyo Xaalada Gedo

Cabdi Cade

Dowlada oo soo saartay amar saameyn ku yeelanaya Wafdi Kenya u direyso Kismaayo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---