Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka Jubbaland oo degaan cusub kala wareegay Al-shabaab

Ciidamada Daraawiishta Jubbaland ayaa galabta la wareegay deegaan muhiim ah oo lagu magacaabo Filfile kaasoo dhanka waqooyi ka xiga deegaanka Buulo-Xaaji ee gobolka Jubada hoose isla markaana ay gacanta ku hayeen Al shabaab

Saraakiisha Ciidamada Daraawiishta ee hogaaminaysa howlgalka ayaa warbaahinta u xaqiijiyay inay sii wadi doonaan baacsiga waxa ay ugu yeereen Argagixisada iyo sidii bulshada Soomaaliyeed ee u ooman Dowladnimada looga dulqaaadi kooxaha aanan ogolayn nabadda iyo xasiloonida.

Tan iyo markii Dowladda ay la wareegtay gacan ku haynta deegaanka Buulo-Xaaji al shabaab waxaa iska soo dhiibay ilaa labaatameeyo xubnood ay ku jiraan saraakiil sar-sare.

Waxay sheegeen waqtigan in aysan xamili karin culeyska uga imaanayo dhinaca ciidanka Jubbaland iyo kuwa xoogga dalka ee iskaashanaya oo mudooyinkan xoojiyey howlgalada ka dhanka ah Al shabaab.

Related posts

Isra’il oo weerar aargoosi ah ku qaaday Iran iyo xogta goobaha ay weerareen

Cabdi Cade

Shaqaalaha iyo ciidamada Puntland oo cabasho ka muujiyey Maamulka Saciid Deni

Caydiid Ali

Hormuud xaflad dhiira galin ah u sameysay arday ka qalin jabisay Dugsiga Sare (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---