Allbanaadir.com
NEWS

Aadan Madoobe: “Ajende culus ayaa hor yaalla kalfadhiga 5aad”

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo khudbad ka jeediyay furitaanka kalfadhiga shanaad ee Baarlamaanka 11-aad ayaa waxa uu ka hadlay waxyaabihii Baarlamaanka u qabsoomay kalfadhigii afaraad iyo shuruucda u qorsheysan ka shaqeyntooda kalfadhiga shanaad ee maanta furmay.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in baarlamaanka Soomaaliyeed kalfadhigii lasoo dhaafay uu ku meel mariyay shuruuc muhiim u ah horumarka dowladnimo ee dalka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS ayaa sidoo kale sheegay in waxyaabaha Golaha Shacabka u qorsheysan kalfadhiga shanaad ay ka mid yihiin xulista xubnaha Soomaaliya ku matali doona baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Africa.

Dhinaca kale waxa uu Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka dalka ku amaanay garab istaaga ay u muujiyeen ciidamada xoogaa dalka Soomaaliyeed iyo dadka deegaanka oo iska kaashanaya kuwaas oo dagaal kula jira Al shabaab.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa xubnaha Baarlamanka labadiisa aqal kula dardaarmay in ay kalfadhigan xoogga saaraan ka shaqeynta shuruucda muhiimka u ah horumarka dowladnimo ee dalka.

Related posts

Axmed Karaash iyo wafdi uu hogaaminayo oo soo gaaray Muqdisho (Sawirro)

Caydiid Ali

Xildhibaan dowladda ka codsatay in ay la raadiyaan Darawalkii Farmaajo oo la waayay

Cabdi Cade

Nin hubeesan oo dilay askari katirsan ciidanka Dowlada oo isna lagu dilay Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---