Wararka ka imaanaya degmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in halkaasi shalay ka dhacay dagaal xooggan oo dhaliyay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, dagaalka ayaana u dhaxeeyay labo maleeshiyo beeleed oo degmadaasi kuwada sugan.
Dagaalka ayaa wararku sheegayaan in uu ka bilowday labo sakari oo murmay kaddibna la dilay mid kamid ah, waxaana murankaasi labada askari ka dhashay isku badalay dagaal dhiig badan ku daato oo dhax mara labo maleeshiyo beeleed.
Sida aan wararka ku helnay dagaalkii shalay ka dhacday degmada Luuq ayaa sababay geerida dad badan ay ku jiraan shacab, waxaa sidoo kale dagaalka uu sababay in dad badan ay isaga cararaan guryahooda, kaddib markii dushooda dagaal ka bilowaday.
Dagaalka ka qarxay degmada Luuq ayaa sidoo kale sababay in la gubo suuqii ku yaallay degmadaasi, waxaana gubashada suuqa ka dhashay khasaaro badan oo maaliyadeed, waxaana adkaaday in suuqaasi deg deg loo damiyo.
Waxgaradka degmada Luuq ayaa wada dedaalo xal loogu raadinayo dagaalka ka dhacay degmada Luuq oo laga cabsi qaba in faraha kasii baxo, wax garadka iyo masuuliyiin ayaana ka shaqeenaya in kala qaado maleeshiyaadka dagaallamay.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com