Allbanaadir.com
NEWS

Qunyar-socod loo doortay Madaxweynaha dalka Iran

Nin qunyar-socod ah oon saameyn badan ku laheyn siyaasadda dalka Iran ayaa shalay oo Jimco aheyd ku guuleestay doorashadii ku celiska aheyd ee ka dhacday dalkaasi, waxa uuna ka adkaaday musharax kale oo ka saameyn badanaa

Sida ay ku dhawaaqday saakay oo Sabti ah Wasaaradda Ariimaha Gudaha dalka Iran doorashadii ku celiska aheyd waxaa ku guuleestay Mascuud Bezeshkiyaan , waxa uuna kaga guuleestay doorashadii Saciid Jalili, oo taageero badan ka heestay hoggaamiyaha Ruuxiga ah ee dalka Iran.

Doorashadii guud ee ka dhacday dalka Iran waxaa codka dhiibtay 30 milyan oo ruux, waxa uuna helay musharax guuleestay codad gaaraya 16.3 milyan, halka musharaxii la tartamayay uu isna helay codad gaaraya 13.5 milyan oo cod.

Madaxweynaha cusub ee dalka Iran noqonaya oo ah dhaqtar 69-sanno jir ah ,ayaa ballan qaaday shacabka inuu Iran u furi doono dunidda inteeda kale, isla markaana gaarsiin doono shacabka xorriyadda ay in badan ku taamayeen.

Magaalooyin badan oo kuyaalla dalka Iran waxaa ka socda debaaldegyo waa weyn oo lagu soo dhaweenayo guusha Mascuud Bezeshkiyaan, waxaana magaalada uu siyaasigan ku dhashay dadka ay qeybinayaan mac macaan iyaga oo aad u faraxsan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Golaha Wasiirada Somalia oo yeeshay kulan looga hadlay qodobo Xasaasi ah (Sawirro)

Caydiid Ali

Al Shabaab oo Tartan Cajiib ah u qabatay Odayaal ku dhaqan Jubooyinka (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Maxay tahay xarunta cusub ee uu Jowhar ka furay Cali Guudlaawe? (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---