Hargeysa ayaa waxey kulmisaa madarasooyin ay maamulayaan wadaado xagjiriina iyo masraxyo faneed oo ay hagayaan abwaanin ku fog alifaada musikada iyo heesaha dhanka kale ka jira dhaqanka iyo diinta, waxaana labadaas wehliya xoriyada dumarka oo sida ay rabaan dhaqan ahaan ama casri ahaanba ugu labista, iyadoo aysan jirin cadaadis uga imanaya dadweynaha, waxaana sidoo kale kuwaas ku soo darsama odeyaasha ah hogaamiyeyaasha dhaqanka oo isku dhex milay dhaqanka suuban iyo kiisa xun, waxaana yaab badan leh ineysan kooxahaas aysan isku mashquulsaneyn oo mid walba si ka madaxbanaan kuwa kale uu hawshiisa u wato.
Hargeysa waa meesha hoyga u ahayd madarasooyinka Axmed Godane iyo Ibrahim Afgaan oo labaduba markii dambe ku biiray ururka Al Shabaab oo ay madaxda ugu sareeya ay ka noqdoon, waxaana sidoo kale jira madarasooyin badan oo weli ka furan magaalada Hargeysa oo caruurta yar yar oo aan qaan gaarka ahayn lagu xagjirsiiyo, kuwaasoo marka ay weynaadaan noqda unugyo ay xagjiriintu u adeegsadaan jihaad gelinta dhalinyarada iyo gaaleynta dadka dariiqadooda ka soo horjeeda, waxeyna inta badan ay koofurta Soomaaliya u soo diraan dhalinyaradaas ay maskaxda ka dhalanrogeen, iyagoo machadyo diimeed kale koofurta ka sii maraya, kadibna ku biiraya dagaalka ay wadaan ururka xagjiriinta Al Shabaab.
Sidaas si la mida waxaa Hargeysa ka jira abwaaniin ka maskax duwan wadaadadaas xagjiriinta ah, kuwaas oo hal curintooda ku soo bandhiga qab ku dhisan muusiko iyo heeso shacabka ku dhiirogelinya iney si maskax furan u noolaadaan oo caweys iyo ciyaar ku damaashaadaan habeenadii, iyagoo naadiyaal lagu raaxeysto wakhtiyada dambe ee habeenka ku tumanaya, waxeyna inta badan ay curintooda ku cabiraan hadba sida ay bulshadu ugu tilaabsaneyso dhaqanada cusub oo ka dhasha isbedelada casriga ah ee nolosha, kuwaas oo aan sinaba u tixgelineyn dhaqanka soo jireenka ah iyo diinta, balse ku tilaabsanaya horumarino afkaarta furan oo ka soo horjeeda ku dhegenaanshaha waxyaabihii hore.
Waxeysan cidna hargeyso kula yaabeyn xoriyada xad dhaafka ah oo ay heystaan haweenka ku nool magaalada oo qaarkood la arkayo timahooda oo furan iyagoo suuqyada ku dhex maraya ama iyagoo ku labisan dharka dhaqanka u ah reer galbeedka, sida surwaalo iyo funaanado qafiifa, sidoo kalana waxaad arkeysa haween dhaqanka ku dhegan oo dirac iyo garbasaaradooda qafiifka ah iska wata, waxaase kuwaas oo dhan ka sii yaab badan marka aad arkeysid naago la leeyahay waa ay isqabaan oo wada nool oo dadweynuhu aysan daneyneyn ama dhanka kale ay dhacdo in niman la leeyahay waxey leeyihiin dhaqanka qomulluudka iney magaalada dhib la’aan ku marayaan, iyadoo dadku aysan daneyneyn dhaqankooda.
Hargeysa waxaa si hoose xukunkeeda u haya odeyaal dhaqameed ka awood badan xukunka maqaarsaarka ah ee ka jira dowladda, waxaana dhaqanka odeyaasha saldhig u ah musuqmaasuq iyo laaluush ay ugu kala ergeynayaan shacabka iyo madaxda hayadaha dowladda, waxaana dhaqanka magaalada ka mida in qorshooyinka wax la isku dabamarinayo in lagu soo maleego fadhi la isku casumayo cunista qaadka iyo cabida qamriga oo ah gogosha ugu wanaagsan oo odeyaasha iyo madaxda dowladda ay isku casumaan marka ay ka wada hadlayaan arrimo isaga kala xiran, wuxuuna dhaqankaas noqday mid muqadasa oo meesha ka saartay xaafiisyada dowladda inaan lagu kulmin, taas bedelkeeda si hoose wax walba loogu soo wada dhameysto marfashyada la isku casumayo.
Hargeysa waxey magaalooyinka ay Soomaalidu degto si heer sare ah ay uga wada horeysaa dhanka xoriyada oo aysan jirin magaalo la mida Hargeysa oo ay dadkeedu xor ugu yihiin iney ku noolaadaan ku dhaqanka nolosha ay rabaan, waxey sidoo kale ay magaalooyinka kale uga horeysaaa xanibid la’aanta fikradaha abwaanada xorta ah, waxeyna magaalooyinka kale ay aad uga liidataa baaxada weyn oo ay leedahay xagjirnimada ka dhex jirta oo ay horkacayaan wadaado mayal adag oo caruur iyo ciroole badan xagjirnimo diimeed ku beera, iyo sidoo kale waxaa maamulka dowladnimada Hargeysa horumar la’aanta u keena oo magacuyaal ka dhigay waa xukunka odeyaasha dhaqanka oo wax walba raba iney iyagu ku qeybsadaan hanaan qabiil, iyagoon waxba u hambeyneyn dadweynaha u ooman adeegyada aasaasiga ah ee dowladda.
Dr. Saciid Ciise Maxamud (Sacim)
Gudoomiyaha Xisbiga Dimoqaradiyada Dadka
Saciidciise258@aol.com