Allbanaadir.com
NEWS

Nin dil iyo dhaawac u geestay Sodohsiid iyo Xaaskiisa

Degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose waxaa ka dhacday fal dad badan ka argagaxeen, kaddib markii nin halkaasi toorey dil ugu geestay sodohdiis , waxa uu sidoo kale ninkaasi dhaawac u geestay xaaskiisa iyo gabar la dhalatay.

Ninkan ayaa sidoo kale la sheegay in uu dhaawac u geestay nin kale oo daris la ahaa oo ku baxay dadka ehelkiisa uu tooreyda la dhacayay, waxaana ninkan markii dambe ku guuleestay in gacanta ku dhigaan dadka deegaanka u gudbiyay ciidamada ammaanka.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in ninkan dilka iyo dhaawac geestay uu muran soo kala dhax galay xaaskiisa iyo ehelkeeda, walina lama oga ninka waxa ku kalifay in qoyskiisa weeraro , lamana sheegin in uu xanuunsan yahay iyo in kale.

Taliyaha ururka 1-aad ee Daraawiishta Koonfur Galbeed Xaashi Maxamuud Bulaale ayaa sheegay in ciidamada amniga gacanta ku dhigeen ninka dilka u geestay sodohdiis, waxa uuna xusay in baaritaanno ku wadaan ninkan dilka geestay.

Dilalka argagaxa ee ka dhax dhacaya qoysaska Soomaaliyeed ee ku sugan gudaha Soomaaliya ayaa muddooyinkan soo badanaya , waxaana dilalkan qaarkood noqdeen kuwa si weyn looga argagaxay .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweynaha Kenya oo Guddi u saaray Khilaafka Dowladiisa kala dhaxeeya Somalia

Cabdi Cade

Jidadka Muqdisho qaarkood oo caawa caro tuur lagu jaray (Maxaa soo kordhay)+Sawirro

Caydiid Ali

Heyadda socdaalka & Jinsiyadaha Somalia oo xarun weyn ka dhisatay Magaalada..(Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---