Allbanaadir.com
NEWS

Ruushka oo ku gacan seyray soo jeedin ka timid Erdogan

Ruushka ayaa ku gacan seyray soo jeedin ka timid Erdogan oo sheegay inuu dhex-dhexaadinayo Ruushka iyo Ukraine si dagaalka loo soo gabagabeeyo, kaddib kulan uu shalay Erdogan la qaatay dhiggiisa Putin oo ay ku kulmeenĀ  shir madaxeedka ururka Iskaashiga Shangahai (SCO) ee ka socda Kazakhstan.

Afhayeenka Putin, Dmitry Peskov ayaa hadal uu siiyay warbaahinta Ruushka , wuxuu ku caddeeyay inaysan suragal ahayn inuu Turkiga dhex dhexaadiyo Ruushka iyo Ukraine , isagoo aan bixin sharraxaad.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin ayaa maanta wada-hadallo gaar ah la yeeshay Amiirka Sheikh Tamim bin Hamad Al-Thani , iyagoo ka wada-hadlay hababka loo xoojin karo iskaashiga labada dal, kulankan oo dhinac socday shir madaxeedka ururka Iskaashiga Shangahai ee (SCO) ee ka socda Kazakhstan.

Putin ayaa ku ammaanay Amiirka Qatar , dadaallada dhex dhexaadinta iyo arrimaha baniā€™aadantinimada ee ay dunidda ka geysanayaan.

Qatar waxay door dhex dhexaadin ah ka qaadata maxaabiista iyo carruurta ay isdhaafsanayaan Ruushka iyo Ukraine , muddada uu dagaalka socdo, halka sidoo kale ay Doha tahay dhexdhexaadiyaha ugu weyn ee Xamaas iyo Israaā€™iil.

Related posts

Abaanduulihii hore ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyed oo geeriyooday

Caydiid Ali

Dowladda oo Shaacisay in Muqdisho lagu qabtay Xubno katirsan Al Shabaab, hub iyo Gaadiid

Cabdi Cade

Fahad Yaasiin “Kumuu ahaa Janaraal Farxaan Maxamuud Aadan (Qaroole)?

admin
Taboola Ads ---