Siyaasadda ay adeegsato Itoobiya waxaa la yiraahdaa Siyaasadda Xaqiiqo Beddelidda (Fait-accompli Policy.
Waa in khilaafka lagu xalliyo iyadoo wax laga beddelayo waaqica jira, oo wixii la isku hayey la hirgelinayo, si ay arrintaasi u noqoto xaqiiqo jirta oo ay tahay in la aqbalo.
Tusaale ahaan, waxaan anigoo ah Cabdirashiid damcayaa in aan guri ka dhisto dhul uu leeyahay Axmed. Waxaan samaynayaa inaan durbadiiba bilaabo dhismaha guriga.
Axmedkii lahaa dhulka ayaa arrintii ogaanaya oo u dacwoonaya maxkamad ama cid kale si ay wax uga qabtaan, waxaana halkaa ka bilaabanaya dhexdhexaadin iyo dood.
Anigu waan sii wadayaa dhismaha guriga inta khilaafku jiro ee dooddu socoto. Waxaan inta lagu jiro khilaafka iyo doodda dhamaystirayaa guriga, maxaa yeelay anigu waxaan ka faa’iidaystay waqtiga khilaafka oo ma joojin shaqada.
Hadhow gurigii waxa uu noqonayaa xaqiiqo jirta oo waan dhamaystiray dhismihiisa, waxa keliya ee haray waa dood iyo xalka oo uu Axmed ku khasban yahay inuu aqbalo.
Waa siyaasaddii ay Itoobiya u adeegsatay dhisiddii biyo-xireenka GERD. Itoobiya waxa ay muddo dheer Masar kula jirtay wadahadal aan miro-dhal ahayn oo waqti-lumin ah illaa laga gaaray dhamaystirka dhismaha biyo-xireenka.
Ugu dambaym, Masar waa ku khasbanaatay aqbalaadda biyo-xireenkii ay lahayd lama dhisi karo heshiis la’aan. Keliya waxaa la isku hayaa in laga heshiiyo buuxinta, laakiin Itoobiya waxay ku sii socotaa siyaasaddeedii oo dhawr weji ayey buuxisay.
Taas waxaan uga socdaa, hadda Itoobiya waxay dooneysaa inay arrinta khilaafka badda ee kala dhexeeya Soomaaliya u adeegsato siyaasaddaas xaqiiqo beddelidda.
Waqti badan ayey ku luminaysaa wadahadal aan miro-dhal ahayn, waxayna sugaysaa illaa inta laga gaarayo waqtiga ay joogitaan militari oo buuxa ku yeelan doonayso xeebta waqooyiga Soomaaliya, ama ay hirgelin karto damaceeda badda. Suuragal ma aha in ay ka laabato.
Marka aad eegto Siyaasadda Weyn ee Labada Biyood ee Itoobiya (The Grand Strategy of Two Waters), waxay ku dhisan tahay isla siyaasaddan beddelidda xaqiiqada. Waxay ku leeyihiin sidii Ruushku u qaatay Crimea ama Israel u qaadatay buuraha Golan ee Suuriya, ayaan u qabsanaynaa badda, hadhowna waxay arrintu noqonaysaa mawduuc lagaga doodo xarumaha cilmi-baarista iyo shirarka ee adduunka oo aan waxba laga qaban karin.
Dawladda Federaalka Soomaaliya waxaa la giudboon inaanay waqti ku lumin wadahadalada Itoobiya, ayna si dhab ah u wajahdo sidii looga gaashaaman lahaa khatarta soo socota ee Itoobiya.
Muhiimaddu waa in dawladda Soomaaliya ka jawaabto dalabka dadka reer Awdal oo ay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed geyso gobolka Awdal. Wax aan intaas ahayn ma keeni doono xal looga badbaado damaca Itoobiya.
Waxa qoray –Â Cabdirashiid Muuse Siciid .