Allbanaadir.com
NEWS

Maxay ka wada hadleen Xassan Shiikh & Dhigiisa Al-siisi?

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka Taleefanka ay ku wada xiriireen dhiggiisa dalka Masar Mudane Cabdulfataax Al-siisi

Labada hogaamiye ayaa ka wada hadlay xaaladda gobolka iyo danaha ay wadijarka u wadaagaan Soomaaliya iyo Masar sida lagu sheegay War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Somalia.

Labada Madaxweyne ayaa wada-hadalkooda diiradda ku saaray xoojinta iskaashiga taariikhiga ah ee labada shacab ee walaalaha ah, iyagoo xusay muhiimadda ay leedahay in la mideeyo dadaallada lagu wajahayo caqabadaha amniga iyo xasilloonida gobolka.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar Mudane Cabdulfataax Al-siisi ayaa ugu hambalyeeyey Madaxweynaha, shacabka iyo dowladda Soomaaliya munaasabadda 1-da Luulyo ee Maalinta Qarannimada Soomaaliya, isagoo u rajeeyey horumar iyo amni.

Related posts

Wiilka Madaxweyne Yoweri Museveni oo go’aan ka qaatay shaqada uu dalkiisa u hayo

Cabdi Cade

Maxaa ka jira in Britain ay faragelisay doorashadii dhowaan ka dhacday Kenya?

Caydiid Ali

Dowladda oo Shaacisay in Boqol Xubnood oo katirsanaa Al Shabaab isku soo dhiibeen

Cabdi Cade