Allbanaadir.com
NEWS

Israel oo qiratay Saraakiil iyo askar looga laayey Gaza

Dagaalyahannada Falastiiniyiinta ayaa maanta weerarro ku qaaday goobaha ciidanka Israa’iil ee waqooyiga Qasa, halkaasoo dagaallada ka dhacay lagu dilay saraakiil iyo askar ka tirsan ciidanka Israa’iil, iyadoo ay Israa’iil qiratay inta uu dagaalka socday in looga dilay afar askari oo uu ku jiro sarkaal ka tirsan guutada 75-aad, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale, sida ay Al-jazeera ka soo xigatay warbixin ay baahiyeen ciidanka Israa’iil.

Guutooyinka hubaysan ee Xamaas, ayaa warsaxaafadeed ay baahiyeen waxay ku soo bandhigeen weerarro iyo dagaallo ay ciidanka Israa’iil kula galeen Qasa.

Gaar ahaan xaafadda shujaciya, halkaasoo ay sheegeen weerarradooda ku dhisnaa howlgallo gaadmo ah inay ku dileen saraakiil iyo askar, iyadoo ugu yaraan saddex sarkaal iyo tiro askar ah ay qirteen ciidanka Israa’iil in looga dilay

Dagaalka ka dhacay Shujaciya 24 saac ee la soo dhaafay. Warsaxaafadeedka ayaa inta ku daray inay dhowr taangi la beegsadeen qaraxyo, ayna ku arkeen diyaaradaha qumaatiga u kaca oo ciidanka Israa’iil ka qaadaya aagga ku dhow Shujaciya, mid ka mid ah diyaaradahaa ayay sheegeen inay la beegsadeen gantaal, balse lama sheegin haddii khasaare uu ka dhashay.

Waxyar kaddib markii uu soo baxay warsaxaafadeedka Xamaas, warbaahinta Israa’iil ayaa ku warrantay inay dhacdo halis ah ciidanka Israa’iil kala kulmeen waqooyiga Qasa.

Dhimaca kale, Qatar iyo Masar, ayaa markii u horreysay bilooyin kaddib sheegay inay si niyadsan u filayaan heshiis xabbad-joojin ah oo laga gaaro Qasa, iyadoo Xamaas ay xaqiijisay inay jiraan soo jeedin macquul ah oo ka imaan karta dhexdhexaadiyaasha, halka Israa’iil ay sheegeen inay dib u eegis ku wado Mossad, soo jeedinta la soo bandhigay.

Hadda labada dhinac Xamaas iyo Israa’iil, waxay sheegayaan inuu jiro rabitaan ah in heshiis la gaaro, laakiin wararka qaar ayaa sheegaya in wali ay jiraan caqabado waaweyn, sida ay ku warrantay Al-jazeera.

Waxa is beddelay ayaa ah in laga yaabo in Israa’iiliyiinta laftoodu ay raadinayaan in ay miiska yimaadaan sababtoo ah dadweynaha Israa’iil ayaa aad uga caraysan maamulka Netanyahu.

Related posts

13 heyaddo caalami ah oo ka digay talaabo halis ah oo Israel qorsheyneyso

Caydiid Ali

Shir u soo xirmay DF iyo dowlad Goboleedyada & War Murtiyeed ka soo baxay (Akhriso)

Caydiid Ali

(Sawirro) Ciidanka Xoogga dalka oo Al-shabaab ka saaray Buurta Yacgoos

Caydiid Ali