Allbanaadir.com
NEWS

Abiy Ahmed: “Su’aal ma galinayno Midnimada Somalia”

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo maanta la hadlay Baarlamaanka dalkiisa ayaa sheegay in dowladdiisu aysan su’aal galinaynin midnimada Soomaaliya, isaga oo caddeeyay in aysan diyaar u ahayn kala-qeybinta dalka Soomaaliya.

Abiy Ahmed ayaa heshiiskii badda ee uu Somaliland la galay ku macneeyay mid salka ku haya codsi ay ku doonayaan in si sharci ah loogu ogolaado gaaritaanka badda.

Sida laga soo xigtay warbaahinta Addis Standard oo soo tarjuntay khudbadda Abiy waxaa uu yiri “codsigan gaarista badda waxa aan u gudbinay dhammaan dalalka deriska nala ah, mana helin wax jawaab ah. Waan tuugtannay waana dalbanay. Taas macnaheeda ma ahan in aan shaki gelinayno midnimada Soomaaliya”.

RW Itoobiya ayaa sheegay in madaxda Soomaaliya doodaha ay ka qabaan Is Afgaradkii uu lagalay Muuse Biixi, lagu xalin karay oo kaliya Isfaham waaga ka bilowday hal kulan iyo Hal Safar.

“Lacagaha ay Soomaaliya ku bixinayso meelahaas ee warwareega ah, ee ka dhanka ah MOU-ga waxaa dhaama iney Hal dugsi uga dhisaan Muqdisho, si caruurta wax uga bartaan” ayuu yiri RW Itoobiya.

Hadalkan ayaa u eg mid aad uga luuqad duwan kuwii hore looga bartay Abiy iyo mas’uuliyiinta kale ee Itoobiya oo hore u sheegay in ay aqoonsan doonaan Somaliland taasoo qeyb aheyd heshiiska ay la gaareen Somaliland.

Related posts

Ciidamada AMISOM ee Jabuuti ka socda oo isaga baxay degmo ka tirsan gobolka Hiiraan

Caydiid Ali

Taliska Booliska Somalia oo ka hadlay dil fool xun oo shalay ka dhacay Muqdisho

Caydiid Ali

Jen. Biixi oo shaaciyey hal arrin oo sabab u ah xilka ka qaadista lagu sameeyey

Caydiid Ali