Allbanaadir.com
NEWS

Masar oo ka carootay hadal ka soo yeeray Wasiir Israaiili ah

Wasiirka Hidaha ee Israa’iil, Amichai Eliyahu ayaa ku baaqay in loo baahan yahay inay Israa’iil qabsato gacanka Siinaay ee dhulka Masar, isagoo u sheegay Israa’iiliyiinta inay isku diyaariyaan dhulka Siinay.

Dowlada Masar ayaa hadalka ka soo yeeray Wasiirkan ku tilmaantay wax lala yaabo, uuna astaan u yahay jahwareerka heysta maamulka Netanyahu.

Israel ayaa qabsatay gacanka Siinaay dagaalkii ay la gashay Masar 1967dii hase ahaatee waxay si nabad ah uga baxeen markii ay heshiis nabadeed la galeen Masaarida.

Hadalkan wuxuu ku soo aaday, waxyar kaddib markii ay Israa’iil soo saartay sharci ku baaqaya inay la wareegto dooxada Jordan ee xadka Daanta Galbeedka iyo dalka Jordan.

Israa’iil ayaa meel-marisay sharci ay ku qabsanayaan dhulkii ugu ballaarnaa oo ku yaalla Daanta Galbeedka ee Falastiiniyiinta, tan oo lagu sheegay deegaameyntii ugu ballaarnayd ee Israa’iil ay ku doonayso inay ku burburiso dhulka Falastiiniyiinta muddo ka badan 30 sanno kaddib, laakin waxa cusub markan ayaa ah in sidoo kale ay Israa’iil ansixisay inay qabsato 12.7 kiiloomitir oo laba jibaaran oo ay gudaha ugu galayso dooxada Jordan (Jordan Valley) oo ah aagga muhiimka ah ee isku xira Daanta Galbeed iyo dalka Jordan.

 

Related posts

Ciidamada Dowlada oo gacanta kusoo dhigay nin Qaraxyo miino aasayay

admin

Talyaaniga oo dayuurad sida gargaar ka dejiyey Magaalada Boosaaso (Sawirro)

Caydiid Ali

Jubbaland oo shaacisay xiliga ay qaadeyso Imtixaanka shahaadiga ah (Akhriso)

Caydiid Ali