Allbanaadir.com
NEWS

Khayre oo hadal muran dhaliyey ka jeediyey Minesota, USA

Gudaha Mareykanka ayaa waxaa laga hadal hayaa khudbad uu jeediyay raysal wasaarihii hore ee dowladda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, xilli uu ka qeybgalay munaasabadda 1-da Luulyo oo lagu qabtay magaalada Minneapolis.

Khayre ayaa ka hadlay ammaanna ujeediyay bulshada Soomaaliyeed ee Mareykanka ku dhaqan, gaar ahaanna xildhibaannada asal ahaan Soomaaliya kasoo jeeda.

Baaqyo ayuu usoo jeediyay dhalinyarada wax ku baratay halkaas, isagoo ku boorriyay inay dalkooda wax u bartaan.

Hase yeeshee, warbaahinta Mareykanka ayaa aad wax uga qoray qeyb ka mid ah khudbadda Khayre, taasoo uu ku ammaanay Xildhibaanad Ilhaan Cumar oo katirsan aqalka Kongreska ee dalka Mareykanka.

“Xildhibaan Ilhaan Cumar oo magaca Soomaaliya qalin dahab ah ku qortay. Qaddiyadda Ilhaan ma aha mid Ilhaan, maha mid Minnesota, maaha mid reer Mareykan, qaddiyadda Ilhaan waa qaddiyad Soomaaliyeed. Guusha Ilhaan waa guusha Soomaaliyeed waxayna noo xambaarsan tahay macno weyn,” ayuu yiri Khayre.

“Waxaan idinka codsanayaa inaad hiil iyo hoo la garab istaagtaan, ku taageertaan codkiinna, deriskiinna, saaxiibbadiin iyo cid walboo aad taqaannaan u sheegtaan inay u codeeyaan Ilhaan,” ayuu intaa ku daray.

Koox korjoogteyn ah ayaa shalay cabasho ka gudbisay Ilhaan Cumar iyagoo ku eedeeyay inay anshaxa meel uga dhacday.

Ururka Isla xisaabtanka Mareykanka ee AAF ayaa sheegay in hadalka Khayre uu meel uga dhacayo sharciga ololaha doorashada heer federaal.

“Waxaan aad uga walaacsannahay isu soo baxa ololaha doorashada sharci-darrada ah ee Ilhaan ay la sameysay raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya. Ilhaan waxay leedahay taariikh dheer oo ah hadalladeeda muujinaya ku qanacsanaan la’aanta Mareykanka iyo u janjeeridda Soomaaliya, balse tan way ka shisheysaa hadallo,” ayay AAF ku sheegeen warkooda.

“Haatan ololaheeda waxaa ka dhacay in hoggaamiye ajnabi ah uu ku lug yeeshay doorasho Mareykan. Waa inay is casishaa si degdeg ah ayna soo celisaaa doollar walba oo loogu ururiyay isu soo baxeedan ceebta ah.” Ayaa intaas la sii raaciyay.

La taliyaha dhanka ololaha ee Ilhaan Cumar, David Mitrani ayaa hadalkaasi degdeg uga jawaabay, isagoo yiri, “Cabashadan anshaxa waa isku day kale oo kooxaha midig-fog ay ku waxyeeleynayaan haweeneyda Kongareeska.”

“Ololaha Ilhaan wax lug ah kuma laha codsashada, isku xirka, amaba ka shaqeynta ka qeybgalka Khayre amaba hadalladiisa, mana jirin in sharciga meel looga dhacay,” ayuu yiri.

AAF ayaa xafiiska anshaxa ee Kongareeska ka codsaday inuu baaritaan ku sameeyo Ilhaan.

Waxay ku eedeeyeen in Ilhaan ay “ku talogal u aqbashay kaoso muuqashada Khayre ee ololaheeda”. Sidoo kalena inuu cod u raadiyay Ilhaan.

Horraantii sanadkn, xildhibaan sare oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga Mareykanka ayaa ugu baaqay Ilhaan Cumar oo Congress-ka ku matasha gobolka Minnesota inay is casisho kadib khudbad ay ka jeedisay munaasabad ka dhacday magaalada Minneapolis.

Ilhaan Cumar oo 27-kii January hadal ka jeedisay xaflad ka dhacday magaalada Minneapolis oo loogu dabaal-degayay dib u doorashada madaxweynaha maamul-goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa tiri: “Intii aan aniga Congress-ka joogo biyaha Soomaaliya iyo baddeeda dad kale ma qaadanayaan. Waddanka Mareykankana kuma taageeraayo in dad kale ay annaga na dhacaan.”

Arrintan ayaa dood ka dhalisay gudaha Mareykanka, iyadoo dadka cambaareeyay hadalkeeda ay ku tilmaameen inay danaha Soomaaliya ka hormarisay kuwa Mareykanka.

“Hadallada carada leh ee Ilhaan Cumar ee Soomaaliya ay muhiimadda ku siisay waxay dharbaaxo wejiga looga dhuftay ku yihiin dadka Minnesota ee iyada loogu doortay inay u adeegto waxayna carqaladeyn toos ah ku yihiin dhaarteeda xafiiska,” ayuu yiri xildhibaan Tom Emmer oo qoraal uu soo dhigay bartiisa X. “Waa inay ceeb darteed isu casishaa.” Ayuu sii raaciyay.

Ilhaan oo ah haweeneydii ugu horreysay ee Soomaali ah ee Congress-ka loo doorto, ayaa ka hadashay arrinta la xirriirta khilaafka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya iyadoo sheegtay in “Mareykanku uusan taageersaneyn in Itoobiya ay qaadato dhul ka mid ah Soomaaliya”.

Muuqaalkeeda oo lasoo dhigay barta X ayaa waxaa daawaday malaayiin qof, waxaana aad loo hadal hayay gaar ahaan hadal loo tarjumay sidan: “Soomaali ahaan, mar baan ka daba tegi doonnaa dhulalka naga maqan.”

Ilhaan ayaa jawaab ay arrintaas uga bixisay barteeda X waxay ku tiri “Keliya maaha mid hal dhinac ah balse gebi ahaanba waa mid ujeeddada ka baxsan,” ayay tiri Ilhaan.

Isha: BBC

Related posts

Madaxweyne Muuse Biixi oo Cafis u fidiyay in ka badan 400- oo Maxaabiis ah

Cabdi Cade

Raisul Wasaare khayre iyo wafdi uu horkacayo oo saaka dalka ka ambabaxay

Caydiid Ali

Ciidanka dowlada oo Al-Shabaab kala wareegay saddex degaan oo ka tirsan Galgaduud

Caydiid Ali