Allbanaadir.com
NEWS

Meydka gabar Muddo la la’aa oo la helay (Sawirro)

Waxaa maanta miyiga degmada Xarfo ee gobolka Mudug laga helay meydka gabar yar oo 9-sanno jir ahaa, taa oo la waayay muddo bil ku dhaw, waxaana baadigoobka gabadhan oo socday ugu dambeyn saakay loo tagay meydkeeda oo is bedelay.

Gabadhan ayaa muddo 22-maalin ah lagu la’aa nolol iyo geeri, waxaana aagga gabadha lagu waayay ka socday baadigoob dad badan iska kaashadeen oo lagu raadinayay gabadhan oo waayitaankeeda dareen badan abuuray.

Qaar kamid ah dadkii baadigoobka ugu jiray gabadha yar ayaa saakay tagay goob ay ku geeriyootay gabadhan, lamana oga ilaa hadda in gabadhan u geeriyootay harraad iyo baahi iyo in ay sababsatay aadane ama bahallo cuneen.

Qalfoofta meydka gabadha kasoo haray ayaana saakay laga qaaday goobtii laga helay, waxaana gabadha loo sameeyay aas, ehelada gabadha ayaana u mahadceliyay cid kasta oo gabadhan radainteeda ka qeyb qaadatay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaafiic saaka lagu duqeeyey degaano ka tirsan gobolka Shabeellaha hoose

Caydiid Ali

Wasiirka Gaashaandhiga Britain oo Socdaal aan lasii shaacin ku tagay Hargeysa (Daawo Sawiro)

Cabdi Cade

Xukuumada oo shaacisay iney diyaar u tahay sii wadida Wadahadalkii Musharaxiinta

Cabdi Cade