Allbanaadir.com
NEWS

Darawal anshaxdarro sameeyay oo Xukun adag lagu riday

Maxkamadda magaalada Hargeysa ayaa xukun saddex sannadood oo xarig ah ku riday iyo ganaax lacageed oo dhan laba milyan oo shilin Somaliland ah  ku riday Mahad Xariir Daahir, oo dhawaan ku kacay fal dad badan aad ula yaabeen.

Ninkan xukunka lagu riday ayaa ciidamada booliska Somaliland gacanta ku soo dhigeen , kaddib markii lagu eedeeyay in uu sameeyay fal-dambiyeed ka baxsan anshaxa darawalnimo,isaga oo halis galiyay naftiisa iyo badqabka dadka iyo duunyadaba .

Muuqaal uu ninkan iska soo duubay ayaa lagu arkayay isaga oo gaari uu waday ku kaxeenaya labada lugood, taas oo dad badan ka caroodeen kuna tilmaameen fal-masuuliyad darro ah oo keeni kara in nafsadiisa iyo midka dadkaba ay halis gasho.

Taliska booliiska maamulka Somaliland ayaana uga digay darawalada gaadiidka kala duwan in ay ku kacaan falka ninkan sameeyay oo kale, booliiska ayaana ku hanjabay in tallaabo laga qaadi doono ciddii ku kacda fal nuucaan oo kala ah .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madax ka tirsan Jubbaland & shacab ku wada tukaday goobo kala duwan (Sawirro)

Caydiid Ali

Xildhibaan Mahad Salaad oo Su’aalo cusub ka keenay qaraxii xarunta Gobolka banaadir

Caydiid Ali

Xassan Shiikh oo arrin xasaasi ah ka dalbaday Ergayga Maraykanka u fadhiya UN-ka (Sawirro)

Caydiid Ali