Allbanaadir.com
NEWS

Askari Soomaaliyeed oo sameeyay diyaarad Dagaal

Askari katirsan ciidanka xoogga dalka , gaar ahaan booliisa milataariyo, ayaa sameeyay labo diyaarad oo kala ah nuuca dagaalka iyo dalxiiska, waxa uuna askarigan rejo ka qabaa mustaqbalka in uu sameeyo diyaarado kale oo casri ah.

Maxamed Cali Maxamed oo ah askari Soomaaliyeed ayaa soo bandhigay labo diyaaradood uu gacantiisa ku farsameeyay, waxa uuna sheegay in sameynta diyaaradaha dagaalka iyo dalxiiska ay ku qaadatay muddo aad u dheer.

Wareysi uu bixiyay Maxamed Cali ayuu ku sheegay in sameynta diyaaradahan ku dhalatay sanandkii 2015-kii, waxa uuna xusay in xoggo baaris uu sameeyay u horseedeen in uu sameeyo labadan diyaaradood ee nuuca dagaalka iyo dalxiiska kala ah.

Diyaarada dagaalka uu sameeyay Maxamed ayaa ah  nuuca qumaatiga u kaca ee loo yaqaan Helicopter, diyaaradan ayaana sida uu Maxamed sheegay qaada duuliyaha iyo qof kale oo la socda, waxa uuna xusay in uu jeclaan lahaa in diyaaradan loo adeegsado dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.

Askarigan Soomaaliyeed ayaa diyaaradaha uu farsameeyay ku guuleestay in uu duuliyo uuna hawada galiyo, waxa uuna xusay Maxamed in mid kamid ah diyaaradaha uu sameeyay ay lasoo dhacday ayna lugta dhaawac kasoo gaaray kaddib markii baalasha diyaarada uu geed qabsaday.

“Dedaal dheer ka dib markii aan sameeyay diyaaraddan waan kiciyay, markii ay xoogaha hawada gashay ayaa baallaha waxaa qabtay laamo geed kadibna waa ay ila soo dhacday oo lug ayay wax iga gaarsiisay,” ayuu yiri Maxamed.

Wiilkan Soomaaliyeed ee isku hoolay sameynta diyaaradaha dagaalka iyo dalxiiska ayaa sheegay in caqabado badan la kulmay intii uu ku hoolanaa sameynta diyaaradaha, waxa uuna xusay in caqabadaha ugu daran ay aheyd dhanka dhaqaalaha iyo qalabka .

Waxa uu sheegay Maxamed in taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya uu arkay diyaaradaha uu sameeyay, waxa uuna xusay taliyaha in uu ku dhiirogaliyay dedaalkiisa uuna u ballanqaaday in gacan ka siin doonyo sameynta diyaaradahaasi.

“Taliyaha bishii hadda la soo dhaafay ayuu goobta farsamada igu yimid, waana uu igu dhiirageliyay oo igu ammaanay shaqada aan hayo waxayna ii sii ahayd dhiirrogelin fiican,” ayuu yiri Maxamed.

Dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed ayaa marar badan farsameeya diyaarado nuucyo kala duwan ah, hasa ahaatee dhallinyaradaasi ayaana ku guuleysan in diyaaradaha ay sameeyeen ay duuliyaan sida uu sameeyay askarigan Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wiil 12-sano jir oo lagu tilmaamay Halyey aad u Naxariis badan !!(Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Bilyaneer Caan ah oo Sadex kamid ah caruurtiisa ku waayay qaraxyadii ruxay Sri Lanka

Cabdi Cade

Guddoomiyeyaal cusub oo loo magacaabay Maxkamada G/Banaadir iyo tan Racfaanka

Caydiid Ali