Allbanaadir.com
NEWS

Qarax iyo dil ka dhacay magaalada Muqdisho

Qarax nuuca miinada lagu aaso hareeraha waddada ayaa xalay ka dhacay laamiga degmada Dayniile, gaar ahaan meel u dhaw xarunta degmada, waxaana qaraxa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in qaraxa miino uu haleelay gaari ay wateen ciidamo katirsan booliisa milataari, waxaana qaraxa la sheegay in askartii lala eegtay uu kasoo gaaray khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa kaddib waxaa goobta gaaray askar kale oo katirsan ciidanka booliisa milataare , kuwaa oo u gurmaday ciidankii goobtaasi lagu qarxiyay, waxa ayna halkaasi ka qaadeen askartii dhimashada iyo dhaawaca uu qaraxu kasoo gaary.

Dhinaca kale ciidanka booliisa milataare ayaa la sheegay in goobta qaraxa ka dhacay ku dileen nin shacab ah oo ahaa wade mooto bajaaj, ninka la dilay oon war ka heyn goobta qaraxu ka dhacay ayaa rasaas waxaa ku furay ciidankii goobta joogay.

Qaraxyada miino ee lala eeganayo ciidanka booliisa milataare ayaa muddooyinkan kusoo badanaya magaalada Muqdisho, maalmo kahor ayaana qarax miino sidaan oo kale loogu weeraray gaari ay lahaayeen booliisa milataare oo marayay degmada Kaxda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ganacsigii Suuqa Bakaaraha oo maalintii labaad xiran iyo Kulamo kala duwan oo socda

Cabdi Cade

(Sawirro) Xabaal wadareed weyn oo laga helay goob ay ka baxeen ciidanka Israel

Caydiid Ali

Meydadka dhalinyaro Soomaali ah oo laga helay xeebta Magaalada Mombasa

Caydiid Ali