Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada Somalia oo taageero cusub weydiisatay Sacuudiga

Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS Xildhibaan Dr. Maxamed Xasan Maxamed ayaa kulan la qaatay Safiirka Boqortooyada Sucuudi Carabiya Axmed Bin Maxamed Al-Mawlid ee dalka Soomaaliya.

Kulanka oo ka dhacay Safaaradda Sucuudiga ayaa Wasirku waxaa uu ugu horayn uga mahadceliyay taageerada dowlada Boqortooyada Sucuudigu ay ku bixiso horumarinta adeega caafimaadka, gaar ahaan bangiga dhiiga iyo xarunta lagu sifeeyo Kilyaha oo ay dad badan ka faaiidaystaan.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa safiirka ka codsaday in wali ay Wasaaradda Caafimaadku ay u baahantahay taageero dheeraad ah oo lagu horumarinayo adeega caafimaadka. Safiirka Boqortooyada Sucuudi Carabiya ayaa ballan-qaaday inay qayb wayn ka qaadan doonaan  mashaariicda lagu horumarinaayo adeegga caafimaadka, waxaana uu sheegay inay ka go’antahay in kaalmadda Hay’adda Boqor Salmaan ay miisaaniyad dheeraad ah uga faa’iidayso dadka Soomaaliyeed.

Related posts

(Dowlada Somalia oo tacsi u dirtay shacabka & madaxda dowlada Kenya Akhriso)

Caydiid Ali

Somaliland oo xabsi dhigtay nin dhaliili jira Ismaaciil Geelle iyo Digniin maamulka loo diray

Cabdi Cade

Xog la xariirta fulinta Weerar halis ah ay qorsheenayaan Al Shabaab oo la shaaciyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---