Allbanaadir.com
NEWS

Biden oo fariin culus u soo diray dhigiisa Xassan Shiikh

Farriin qoraal oo uu soo diray Madaxweynaha Dowladda Mareykanka Joe Biden oo la soo mariyey Safaaradda Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya ayuu ku muujiyay garab istaaga guulaha Soomaaliya gaartay Dowlad dhiska iyo tahniyadda debbaal degga maalmaha taarriikhiga ah ee xorriyadda iyo midnimada qaranka Soomaaliyeed.

Mudane Biden waxaa uu ugu horeyn ku bilaabay dhambaalkiisa,” Mudane Madaxweyne, Anigoo ka wakiil ah shacabka Mareykanka waxaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ugu hambalyaynayaa xuska sanad guuradii 64-aad ee maalinta xoriyadda”

Madaxweynaha Mareykanka waxa uu ku bogaadiyay Soomaaliya horumarka Dowladda Federaalka ka sameysayso Dowlad dhiska.

“Anaga oo ah saaxiib weyn, qarankeena waxaa uu si wadajir ah u dhisayaa duni u wanaagsan carruurteenna iyo carruurta caalamka meelkasta oo ay joogaan. Dowladda Mareykanka waxay Soomaaliya ku taageersan tahay sii socoshada dedaalada lagu horumarinayo amniga laguna dhisaayo kobac dhaqaale oo isku dhafan, horumarinta hanaanka dowliga ah, xuquuqda aadanaha iyo wax ka qabashada isbedelka cimilada iyo abaaraha” ayuu yirri Madaxweyne Biden

Mudane Biden waxa uu tallaabo tusaale cad ah ku tilmaamay doorashada Soomaaliya loo doortay kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay

“In Soomaaliya dhowaan loo doortay in ay xubin ka noqoto Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay waxay tusaale u tahay horumarka wadankiinu gaaray iyo kalsoonida caalamku siiyay Soomaaliya” ayuu yirri

Ugu dambeyn Madaxweynaha Mareykanka waxaa sheegay in labada dhinac ee Soomaaliya iyo Mareykanka ay ka go’an tahay sii wadidda xoojinta calaaqaad labada dal

Related posts

Sida Farmaajo & Qoorqoor ugu fashilmeen ka hortagga Golaha Badbaadada Galmudug

Caydiid Ali

Dowladii 6aad ee Afrikaan ah oo shaacisay iney ciidamo u soo direyso Somalia

Caydiid Ali

Sawir laga qaaday Wiil 11-sano jir ah oo gil gilay Quluubta Malaayiin Ruux (Daawo Sawiro)

Cabdi Cade