Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka Xoogga dalka oo gaadiid ka soo furtay Al Shabaab

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, ayaa howlgallo ay saacadihii la soo dhaafay ka sameeyeen gobolka Shabeellada hoose waxa ay ku soo qabteen xubno ka tirsan Al Shabaab iyagoo soo furtay gaadiid ay madax furasho u haysteen.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Abuukar Maxamed, oo shir jaraa’id ku qabtay deegaanka Doonka ee gobolka Shabeellada hoose, ayaa sheegay in howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ay Ciidanku qaflad laba jiho ah kaga yimaaddeen Al Shabaab xilli ay ku guda jireen dhaca gaadiidka isticmaala waddada xiriirisa Afgooye iyo Walaweyn, gaar ahaan halka loo yaqaan Doonka sida uu hadalka u dhigay

Afhayeenka Wasaaradda Difaaca Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya,ayaa intaa raaciyay in ay Al Shabaab ka soo badbaadiyeen 20 gaari oo dad shacab ah u rarnaa, kuwaasoo ay u haysteen inay bixiyaan lacag baad ah.

“Howlgalka barakeysan waxaa sidaas oo kale lagu qabtay dhagar qabayaal, kuwaasoo ay Ciidanka Xoogga dalka ku raad joogeen” ayuu yiri afhayeenka

Al Shabaabka ayuu sheegay inay qaarkood ku baxsadeen Gaadiidka Homy-da loo yaqaan kuwaasoo ay Ciidanka ku raad joogaan sida uu sheegay.

Related posts

Raga bidaarta leh ee kunool Soomaaliland oo xal loo helay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Al Shabaab oo goob fagaare ah ku toogtay Lix qof oo ay dambiyo ku eedeeyeen (Magacyada)

Cabdi Cade

Wasiirada cusub ee maamulka Puntland oo maanta la dhaariyay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade