Allbanaadir.com
NEWS

Israel oo meel marisay sharci ay ku qabsaneyso dooxada Jordan

Israa’iil ayaa meel-marisay sharci ay ku qabsanayaan dhulkii ugu ballaarnaa oo ku yaalla Daanta Galbeedka ee Falastiiniyiinta.

Tan ayaa lagu sheegay deegaameyntii ugu ballaarnayd ee Israa’iil ay ku doonayso inay ku burburiso dhulka Falastiiniyiinta muddo ka badan 30 sanno kaddib, laakin waxa cusub markan ayaa ah in sidoo kale ay Israa’iil ansixisay inay qabsato 12.7 kiiloomitir oo laba jibaaran oo ay gudaha ugu galayso dooxada Jordan (Jordan Valley) oo ah aagga muhiimka ah ee isku xira Daanta Galbeed iyo dalka Jordan.

Meesha ay ku taal ee xudduudda Jordan iyo  Daanta Galbeed ayaa dooxadan siisay muhiimad istiraatijiyadeed oo gaar ah ee danaha amniga Israa’iil, halkaasoo haddii ay Israa’iil gacanteeda ka baxdo isku xiraysa dhulka Falastiiniyiinta iyo dalalka Carabta.

Laakin taasoo jirta hadana dooxadan waxaa loo arka inay lama huraan u tahay madax bannaanida dawladda Falastiin ee mustaqbalka, sababo la xiriira inay ka dhigayso dal xadduud la leh dalal badan oo muhiim u ah Falastiiniyiinta, waxaana ay Israa’iil gacanta ku dhigtay dooxadan ku taalla badda dhimatay dagaal lix maalmood socday oo ay Israa’iil la gashay Jordan, sannadkii 1967.

 

Related posts

Facebook oo tallaabo adag qaadaysa haddii Maraykanka laga ansixiyo sharci cusub

Cabdi Cade

Mrs.Caroline Van Buren oo booqasho ku timid Somalia & Guddoomiye Yariisow oo qaabilay (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Duqa Muqdisho oo baaq u diray dadka degan Dhismayaasha Danta Guud (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade