Allbanaadir.com
NEWS

Putin gantaalo halis ah siinaya koox dagaal kula jirta Mareykanka

Madaxweynaha Ruushka,Vladimir Putin ayaa lagu warramaya inuu ka fikirayo inuu kooxda Xuutiyiinta Yemen ku wareejiyo gantaallada lidka maraakiibta ee ballistic-ga, kuwaaso gacan ka siin kara inay quusiyaan maraakiibta diyaaradaha xambaara ee Mareykanka oo ku sugan badda cas, sida laga soo xigtay saraakiil sare oo ka tirsan Mareykanka.

Xuutiyiinta ayaa horey loo rumeysan yahay inay heystaan ​​gantaallada lidka maraakiibta ee P-800 Oniks oo Ruushku sameeyay, kuwaaso loo soo mariyay Suuriya iyo Lubnaan ka hor inta aan la keenin Yemen.

Warbixinta ayaa intaa ku dartay in Dhaxal sugaha boqortooyadda Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan uu si walba isku dayayo inuu Putin ku qanciyo inuusan Xuutiyiinta u dirin gantaallada lidka maraakiibta.

Ruushka ayaa horey u sheegay inuu hubeyn doono kooxaha ka horjeeda mareykanka iyo xulafadiisa ee ku sugan bariga dhexe iyo meelo kale, isagoo ka aargudanaya taageerada reer galbeedku siinayaan Ukraine.

William Usher, oo hore u ahaan jiray fallanqeeyaha sare bariga dhexe ee hay’adda sirdoonka Mareykanka CIA , ayaa u sheegay wargeyska warbixintan soo bandhigay ee Middle East Eye kororka isku dhacyada Israa’iil iyo Xisbullah inay u badan tahay in ay sii qoto dheereyso iskaashiga milatari ee ka dhexeeya Iran iyo Ruushka si loo xoojiyo awoodda difaaca ee Xisbullah.

 

Related posts

Askarigii loo xiray dilka George Floyd oo mashaqo kale ay soo wajahday

Caydiid Ali

Dal Somalia deris la’ ah oo shidaalkii u horeeyey dibeda u dhoofiyey (Sawirro)

Caydiid Ali

Wariye Caan ah oo loo magacaabay Afhayeenka cusub ee Xukuumada Soomaaliya

Cabdi Cade