Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan oo saldhig milatari ku sugan labo maalin (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo u kuur-galaya xaaladda Ciidamada Qalabka Sida iyo furimaha dagaalka ka dhanka ah argagixisada ayaa deegaanka Wargaadhi ee Shabeelaha Dhexe kulan kula qaatay Odeyaasha dhaqanka iyo hormuudka bulshada deegaanka.

Madaxweynaha ayaa kala hadlay Odeyaasha Wargaadhi, doorkooda ku aaddan xoreynta deegaannada ay gobolka kaga harsan yihiin argagixisadu, isagoo xusay sida dowladdu ay u diyaarisay qalabka, gaadiidka, xarummaha ciidan iyo hubkii lagu dhammeystiri lahaa xoreynta dalka.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa kormeeray Saldhigga Milatari ee laga hirgeliyey deegaankan oo u fududeynaya Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed baahiyaha farsamo ee muhiimka u ah jiidda hore ee dagaalka iyo dhammaystirka howlgalka dalka lagaga xoreynayo argagixisada Alshabaab.


Related posts

Danjirihii Maraykanka u fadhiyey dalka Panama oo sabab yaab leh isku casilay

Caydiid Ali

Madaxweyne Laftagareen iyo Wasiir Abuu Mansuur oo maanta laabta is galiyay (Sawirro)

Cabdi Cade

Maraykanka & dowladaha Yurub oo xanibaadii ugu horeysay ku soo rogay Taliban

Caydiid Ali
Taboola Ads ---