Allbanaadir.com
NEWS

DFS oo hal arrin darteed u badaleysa Taargada iyo Leysinka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in la bedelayo taargadii hore ay isticmaalayeen gaadiidka iyo sidoo kale leysinka baabuurta lagu wado, waxaana la filayaa in dhawaan dowladda soo bandhigto taargada iyo leysinka cusub.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Bashiir Macallin Cali Xasan, ayaa shaaciyay in la bedelayo taargada baabuurta iyo ruqsada wadista baabuurta (leysin), waxa uuna xusay in lagu baddelayo kuwa cusub oo casri ah.

Waxa uu sheegay agaasimaha in taargada cusub ee la sameenayo u kala bixi doonaan kuwa loogu tala galay shacabka, gaadiidka dowladda, safaaradaha , gaadiidka gurmadka degdegga iyo mootooyinka isugu jiro bajaajta iyo kuwa laba lugaaleyda ah.

“Waxaan rabnaa in aan samayno taargo cusub oo noocyada kala duwan ee gaadiidka ay qaadan doonaan sida gaadiidka shacabka, kuwa ciidanka, kuwa safaaradaha, ambalasyada, mootooyinka, iyo bajaajyada, sidaa darteed waxaan rabnaa taargo cusub oo casri ah oo QR code leh oo kii gobolka leh, oo arrimihii amniga sugayey leh, calaamaddii dawladda dhexe iyo tii maamul goboleedkana ay saaran yihiin”.ayuu yiri agaasime Bashiir Macallin.

Agaasimaha ayaa sheegay in sababaha hadda loo bedelayo taargadii hore ee gaadiidka lagu xiri jiray iyo leysinka ay tahay sababo ammni , waxa uuna xusay in kooxaha argagaxisada ku adkaan doonto in ay baabuur qaraxyo kusoo xitaan kuna weeraraan shacabka.

“Argagixisadu waxay aad u isticmaalaan gaadiidka oo ay qaraxyada u adeegsadaan. Haddii uu nidaamkaan casriga ah hirgalo wuxuu meesha ka saarayaa gaadiidka qaraxyada loo adeegsado, waayo haddii xogta milkiilaha la hayo, taargada aan been abuur lagu samayn karin, waxay taas suurto galinaysaa in laga hor tago we erarrada argagixiso iyo falal dambiyeedyada, waxaana sahlanaanaysa in la suurto galiyo ka daba tagga dambiyada marista waddooyinka iyo fulinta ganaaxyada gaadiidka” ayuu yiri agaasimaha.

Waxa uu sheegay agaasimaha Wasaaradda Gaadiidka in taargada cusub ee lagu xiri doono gaadiidka ay tahay mid habeenkii iftiimeysa marka gaariga meel la dhigo, waxa uuna xusay buugga lahaanshaha gaariga in lagu beddeli doono hannaan cumputer ku shaqeenaya oo caddeenaya xogta gaariga.

”Waxyaabaha kale ee cusub ee wasaaraddu ay soo rogtay waxaa ka mid ah in la beddeli doono “buugga gaariga” laguna beddeli doono hanaan kombiyuutar ku shaqyanaya oo lahaanshaha gaariga iyo xogta ruuxa leh la isku xirayo, kaasoo afka qalaad lagu yiraahdo “Vehicle identification card VIC”. “Xogta gaariga iyo tan qofka milkiilaha oo la isku daray laf lagu daabacay ayaa la yiraahdaa VIC, waana mid mishiinku akhrin karo” ayuu sii raaciyey bashiir Macallin Cali.

Taargada baabuurta lagu xiro ee DFS soo saarto iyo leysinka ayaa inta badan ka shaqeeya gobolka Banaadir, waxaana dowlad goboleedyada dalka ka jira taargooyin iyaga u gaar ah , kuwaa oo gaadiidka qaarkoos isticmaalaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Sheekh Aadan Madoobe oo si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Baydhabo (Sawirro)

Cabdi Cade

Farmaajo oo la sheegay in Fitno ka dhax abuurayo maamulada Galmudug iyo Puntland !!

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Kheyre oo kulamo kawada Dhuuso Mareeb (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade