Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo Digniin cusub diray

Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay inaan cidna laga aqbalayn kalluumeysi sharci darro ah dowlado badanna lagu dacweeyay jiriifka ay ka sameeyaan xeebaha Soomaaliya, isagoona digniin adag u diray shirkadaha iyo dadkale ee kalluumeysiga sharcidarada wada.

Ra’iisulwasaaraha oo ka hadlayay munaasabadda Todobaadka Qaran ee Horumarinta Kalluumeysiga Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho ayaa intaa ku daray in ay jiraan dowlado iyo shirkado ku jooga badda heshiis, kuwaas oo qaarkood uu waqtigu ka dhamaaday dib u eegisna lagu samayn doono.

Mudane Xamse ayaa xusay in Soomaaliya oo ku taalla goob muhiim ah, lehna kheyraad fara badan ay suurto gal tahay in lasoo damaaciyo, wuxuuna sheegay in aysan gorgortan geli karin dhulka iyo biyaha Soomaaliya, dowladduna uu xil gaar ah ka saaran yahay ilaalinta hantideenna.

“Maadaama aan ku naalo meeshaas istiraatiijiga ah, maadaama aan haysanno kheyraad badan oo gaar ah, maadaama aanan si dhameystiran uga faa’iisan kheyraadkaas, waxaa suuragal ah in ay yimaadaan damac shisheeye oo kheyraadkaas ku foogan, sidaa darteed waa inaan u istaagnaa sidii aan kheyraadkaas u ilaashan lahayn, badeenna iyo dhulkeennu midna gorgortan ma gali karo mana galayo, dowladda Soomaaliyeedna waxay u taagan tahay ilaalinta badda, dhulka iyo kheyraadkiisa”.

Ra’iisul wasaaraha XFS Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in haatan uu Adduunku tartan ugu jiro maalgashiga dalkeenna gaar ahaan badaheenna, maaddaama uu uu ku jiro kheyraad aad u fara badan oo ay tahay in la ilaashado laguna fara adeygo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Yemen oo laga qabsaday Cadan iyo xulufadii Sacuudiga oo dhexooda isku dhacay

Caydiid Ali

Baaq cajiib ah oo loo diray siyaasiyiinta iyo dadka kale ee lacagaha ka xada Kenya

Cabdi Cade

Wararkii Ugu Dambeeyay Weeraro caawa ka dhacay qeybo badan oo kamid ah Muqdisho

Cabdi Cade