Allbanaadir.com
NEWS

Reer Puntland oo lagu dhiiragalinayo cunista Kalluunka (Sawirro)

Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda H.E Ilyas Osman Lugatoor, ayaa furay todobaadka dhiirigelinta cunista Kalluunka iyo cuntada kale ee Badda oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Puntland.

Todobaadka dhiirigelinta cunista Kalluunka oo ay Wasaaradda Kalluumeysiga kala shaqeeyeen Hay’adaha FAO iyo Bangiga Adduunka, ayaa lagu soo bandhigaya sida cunto ahaan loogu diyaariyo Kalluunka, loo keydiyo isla markaana loo illaaliyo nadaafadiisa.

Ku-sımaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, ayaa boggaadiyey todobaadka la dhiirigelinayo cunista Kalluunka iyo cuntada Badda , wuxuu sheegay in ay tahay tallaabo kor loogu qaadayo ka faa’ideysiga kheyraadka Badda iyo in bulshadeenu helaan aqoon ay uga faa’ideystaan Kalluunka.

Sidoo kale waxaa la daah-furay tababar loo qabtay xirfedlayda kalluunka oo gaaraya 30 Haween ah, kuwaasi la barayo sida cunto ahaan loogu diyaariyo Kalluunka, loo keydiyo isla markaana loo illaaliyo nadaafadiisa.

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Wasaraadda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda , Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska , Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland iyo khuburo ku xeeldheer Cilmiha Cuntada Badda.

Related posts

Dowladaha Soomaaliya iyo Eritrea oo kala saxiixday Heshiis cusub oo Is faham ah

Cabdi Cade

Wasiirada arrimaha Dibeda Carabta oo runta u sheegay dhigooda Blinken (Sawirro)

Caydiid Ali

(Akhriso) DF oo tirakoob rasmi ah ka soo saartay Khasaaraha Guud ee qaraxyadii Soobe

Caydiid Ali