Allbanaadir.com
NEWS

Colaadaha Qabiileysan ee dalka ka bilowday xilliga Xasan Sheekh!

Ololihii Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa Hal-ku-dheg u ahaa “Soomaali heshiis ah dunidana heshiis la ah” Maxaa se badalay ka dib doorashadiisii 15-May-2022. Waxaa guud ahaan Soomaaliya gobol walba isla oogsadayDagaal Beeleedyo oo aad loogu hoobtay.

1) April 2023, Wuxuu dagaal ku dhax maray Beelaha walaalo ah oo wada daga Galgaduud, dagaalkaas oo sababtay in caruuro iyo macalimiin Bir-ma-gaydo nolosha lagu bireeyo.

2) April 2023, wuxuu dagaal u dhaxeeyabeelaha walaalaha ah ee wada-daga dagaal ku dhax maray Deg. Marka, iyadoo aanadii dagaalkaas sababtay ay Ciidamo ka muda kuwa Qaranka ee Xeradii ay ku jireen eeJaalle Siyaad Qarax looga daba geeyey, halkaasna ay ugu dhamaadeen aano qabiil daraadeed.

3) May 2023, dagaal ayaa laba beelood oo walaala ah ku dhax maray aagga degmada Wanlawayn ( Daafeed), dagaalkaas oo ilaayo hadda aan la xallin.

4) June 2023, wuxuu dagaal aad u fool xun ku dhex maray Duleedka Magaalada Dhuusamareeb laba beelood oo walaalo ah kuwaas oo ujeedka dagaalka ilaa hadda cadayn rasmiya loo hayn. Sidoo kale Dhuusamareeb ayaa muddo badan ka dib waxaa si toosa loogu dhex beegsaday odayaal haldoora oo dilal qorsheysan oo aano qabiila lagu dilay.

5) Dec 2023 wuxuu dagaal muddo jiitamayey oo dadka deegaanku xal u waayeen ku dhex maray beelaga walaalaha ee ah ee Degmada Ceel-afweyn oo sababay dhimasho iyo dhaawac dad Haldoora.

6) May 2024 wuxuu dagaal ku dhex maray Sh. Dhexe gaar ahaan Caddala iyo Ceel-Baraf labobeelood oo walaalo, dagaalo hore oo Sep 2022 iyo May 2023 kala dhacay oo dhex maray beelahaas ayaa sababay in Bir-ma-gaydo guryaha lagu gubo, iyadoo xaaladu noqotaymid faraha ka baxday.

7) March 2024, dagaal ayaa laba beelood ku dhax maray xuduudka labada Gobal ee Hiiraan iyo Shabeelahq Dhexe, dagaal ayaa dhimasho, dhaawac iyo kala irdhoow bulsho sababay.

8)June 2024, dagaal ayaa laba beelood oo walaala ah ku dhex maray aagga degmada Qoryooleey, dagaalkaas oo dad badani ku dhinteen, dagaalkaas ayaa ilaayo hadda la isku horfadhiyaa.

9) June 2024, dagaal ayaa laba beelood oo wada daga ku dhex maray waqooyiga Galgaduud, dagaalkaas oo dhimasho badani ka dhacday ilaayo iminkana la isku horfadhiyaa.

10) June 2024 Wuxuu dagaal u dhaxeeya beelo walaalo ah oo wada-daga Mudug keenay dhacdooyin aad u fool xun oo bulshada raad xun ku reebay kaas oo ilaa hadda la garanayn cidda ka dambaysa, dawladuna dhankooda talaabo u qaadin. Dagaaladaas ayaa ilaayo hadda la isku horfadhiyaa.

11) June 2024 waxaa mar kale dagaal ka dhex qarxay laba beelood oo walalao ah oo wada dega Gobolka Mudug, dagaalkaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac tiro badan, ilaayo hadana la isku horfadhiyaa.

12) Jan 2024 wuxuu dagaal ku dhex maray beelo walaala ah oo wada-dagan Gobolka Togdheer, kaas oosababay in Guryihii xitaa la gubo.

13) Intaas ku darso dagaalkii qarniga ee Laascaanood ka dhacay ee kumanaanku ku dhinteen.

Intaas oo dagaal ah Madaxwayne Hassan Sheikh Mohamud kuma bixin, ma xallin, guddi uma dirin, baaq kama dirin. Macnaheedu waa raali inuu ka yahay oo uu asagu qabyaaladda naaxiyo.

Haddaba su’aasha meesha taala ayaa ah; Madaxweyne Xasan Sheikh iyo Dagaal Beeleedyada maxaa isku waqti ka dhiga, iyadoo la ogaa 4-tii sanno ee hore inay sidaan oo kale Beelaha Soomaaliyeed dagaal uga dhax oognaa?

Gobol walba oo Soomaaliyana qaylo-dhaan ayaa kasoo yeeraysay!!

F.G qormadan kama turjumeyso aragtida Shabakadda Allbanaadir, waxa ayna gaar u tahay qoraha ku saxiixan.

W/Q Cabdullaahi Aadan Kulane 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiirka amniga & Taliska Qeybta 21-aad ee Galmudug oo ka wada hadlay qorshe cusub

Caydiid Ali

Wasiirka amniga Somalia oo garab maray go’aan uu horey u ansixiyey golaha Wasiirada (Akhriso)

Caydiid Ali

Maraykanka oo dal Muslim ah ka saaray liiska dowladaha taageera argagaxisada

Caydiid Ali