Allbanaadir.com
NEWS

Markab nuuca Dagaalka oo soo gaaray Badda Boosaaso (Sawirro)

Markab nuuca dagaalka ah oo leeyihiin ciidamada Midowga Yurub, gaar ahaan kuwa u xilsaaran howlgallada  ilaalada badda Soomaaliya, ayaa soo gaaray meel u dhaw xeebta magaalada Boosaaso ee gobolka Bari maamulka Puntland.

Agaasime Ku-xigeenka guud ee ciidamada PMPF Mudane Maxamuud Silaal Cumar oo ay weheliyaan saraakiisha sar-sare ee ciidamada PMPF ayaa kulan kula qaatay Badda dusheeda  saraakiisha mid ka mid ah maraakiibta Dagaal ee Midowga Yurub.

Mudane Maxamuud Silaal Cumar iyo taliyaha guud ee Markabka Admiral Manuel Alvargonazalez Mendez  oo ay weheliyaan Saraakiil kale ayaa ka wadahadlay xoojinta wadashaqaynta labada dhinac, dar-dargelinta hawlgallada ka dhan ka ah burcad-badeedda, kalluumaysiga sharcidarada ah, hubka sharcidarada ah, daroogada, la-dagaalanka argagixisada badaha iyo waxkasta oo liddi ku ah amniga iyo xasiloonida.

Sidoo kale intii kulanku socdey waxaa si dhow la isula qiimeeyey maxsuulka ka dhashay wadaagista xogaha falalka Burcad-badeedda iyo guulaha laga gaaray hawlgallada wadajirka ah ee lagaga hortegey, kuwaasi oo horseeday in si dhow loola socdo xogtooda, lana fashiliyo goor-horeba isku daygooda abaabulan ee bad iyo beriba.

Ugu dambayn, taliska guud ee ciidamada PMPF iyo Hawlgalka EUNAVFOR Operation ATALANTA ayaa hoosta ka wada xariiqay in si ka dhaw sidii hore loo horumariyo hawlgallada iyo iskaashiga xogaha amniga badaha, si looga hortago goor-horeba falalka amnidaro ee ka dhicikara badda oo ay ugu mudan tahay kuwa Burcad Badeedda iyo Argagixisada Badaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Baarlamanka DDSI oo Jigjiga ku yeelanaya kulan looga hadlayo qodobo xasaasi ah

Caydiid Ali

War deg deg ah: Raisul wasaarihii Itoobiya Haile-mariam Deslign oo goor dhow iscalisay

Caydiid Ali

Daawo:-Deni oo shaaciyey arrimo qarsanaa oo uu si cad ugu sheegay Farmaajo (Sir Muddo la qarinayay)

admin