Allbanaadir.com
NEWS

Puntland & Galmudug oo isu keenay odayaasha Sacad & Leelkase (Sawirro)

Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland iyo Galmudug ayaa maanta ku guulaystay in ay isu keenaan odayaasha iyo waxgaradka labadii beelood oo dhawaan ku dagaallamay galbeedka Gobolka Mudug.

Mas’uuliyiinta Galmudug iyo Puntland oo isugu jira xildhibaanno iyo  wasiiro ay weheliyaan maamullada heer gobol iyo heer degmo iyo saraakiil ciidan ayaa gogol nabadeed oo hordhac ah isugu keenay odayaasha labada beelood.

Wasiirka Maaliyadda Puntland Maxamed Faarax Maxamuud oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sheegay in ay ku guulaysteen isu keenidda odayaasha labada dhinac si looga wada-hadlo xallinta colaadda ka taagan galbeedka Mudug.

“Waxaan ku guuleysanay inaan isku keeno Waxgaradka labada Beelood ee walaalaha, si looga wada-hadlo colaadda ka taagan Galbeedka Gobalka Mudug” ayuu yiri wasiirka Maaliyadda Puntland.

Tallaabadan ayaa imaanaysa maalmo kadib markii ay labada dhinac ka hirgashay xabbad-joojintii laga sameeyay degaannadii lagu diriray ee galbeedka Gobolka Mudug.

Related posts

Madaxa shirkadda DP World oo si yasmo ay ku jirto uga hadlay Go’aankii Baarlamaanka Somalia

Cabdi Cade

Haweeney Dilaa ah oo Khatar ku ah raga oo laga baadi goobayo dalka Kenya !!

Cabdi Cade

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka oo u kuurgalay habka bixinta Baasaboorada (Sawirro)

Cabdi Cade