Allbanaadir.com
NEWS

Dad ka badan 100 qof oo ku dhintay mashaqo ka dhacday India (Sawirro)

Dad ka badan 100 qof ayaa ku dhimatay isbuurasho ka dhacday goob uu ka socday shir-diimeed oo ku taalla waqooyiga Hindiya

Sida ay sheegeen saraakiisha dalkaasi, Kulan-diimeedka oo ay lahaayeen dadka Hinduuga ayaa ka socday degmada Hathras ee gobolka Uttar Pradesh.

Dadka dhintay oo ay ku jiraan haween aad u badan iyo caruur ayaa qaarkood wali la aqoonsan la’yahay.

Dadkii ka badbaaday musiibada ayaa sheegay inay la kulmeen xaalad argagax leh markii ay bilaabatay isbuurasho ka dhalatay ciriiri goobtaas ka jiray

Afhayeen booliiska u hadlay oo ku sugan Uttar Pradesh ayaa sheegay inay waqti ku qaadan doonto in la shaaciyo tirada rasmiga ah ee kama dambaysta ah ee ku saabsan dhimashada, laakiin waxa uu xaqiijiyay in ugu yaraan 100 qof ay hadda dhimashadu marayso.

inkastoo shilalkan noocan ah ay ku badan yihiin dalka India haddana shillkan ayaa noqonaya kii jugu khasaaraha badnaa ee mudooyinkan ka dhaca dalkaas.

Related posts

Sargaal kasoo goostay Al Shabaab oo isku soo dhiibay Ciidanka dowlada (Akhriso Magaciisa)

Cabdi Cade

Itoobiya oo shaacisay dowladii soo dirtay dayuuradii la soo riday ee hubka u waday TPLF

Caydiid Ali

Trump oo laga baaray Cudurka Caronavirus iyo natiijada baaritaanka oo la shaaciyay

Cabdi Cade