Allbanaadir.com
NEWS

Itoobiya oo Wadahadalkii Ankara ka soo saartay xog ka duwan warkii Somalia

Dawladda Itoobiya ayaa ka hadashay markii u horeysay kulankii fashilmay ee Wasiirada arrimaha dibada Soomaaliya & Itoobiya ku dhexmaray Ankara.

Sida lagu cadeeyey qoraal ka soo baxay Itoobiya wasiirada labada dal oo ay dhexdhexaadinayso Turkiga, ayaa isweydaarsaday daacadnimo, niyadsami & aragti horumar leh oo khuseeya khilaafka labada dal

Wasaaradda Arrimaha dibada Itoobiya waxay sheegtay in laysla eegay lana soo bandhigay aragtiyo ku wajahan sidii wax loo qaban lahaa qaabka la wada aqbali karro oo kiiska badda ah.

Itoobiya waxay sheegtay in Soomaaliya & Itoobiya ay ka go’an tahay in si nabad ah lagu dhameeyo khilaafka, una mahad celinayaan dawladda Turkiga.

Soomaaliya, waxay dhankeeda xalay sheegtay inaysan jirin wada hadal toos ah oo aragtiyo laysku dhaafsaday ama wax looga hadlay, qolo kastana meesheeda joogtay, laakiin Itoobiyaanka ayaa sheegaya war ka duwan kan Soomaaliya.

Wadahadallo magaalada Ankara ee dalka Turkey ku dhex-maray wasiirada arrimaha dibedda Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa soo geba-geboobay ayada oo labada dhinac aysan wax heshiis ah ka gaarin khilaafkii u dhaxeeyey.

Wadahadallada ayaa ahaa kuwa labada dhinac aysan is hor-fariisan balse uu u dhaxeeyey wasiirka arrimaha dibedda Turkey Hakan Fidan.

Fidan ayaa sheegay in labada dhinac ay isku raaceen in wareeg labaad oo wadahadallo ay isugu yimaadaan bisha September ee sanadkan.

Related posts

Masuuliyiin iyo dadweyne ka qeyb galay aaska marxuum Cali Nuur Shuute (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Dad ay ku jiraan Soomaali oo ku dhintay rabshadaha ka socda dalka Koonfur Afrika (Sawirro)

Caydiid Ali

Xildhibaan Fiqi: “Shaqsiyaad talada dalka isku koobay ayaa sababay xaalku halka uu marayo”

Caydiid Ali