Allbanaadir.com
NEWS

Dibadbaxyo rabsahado wata oo ka socda magaalooyin kuyaalla Kenya

Dibadbaxyo xooggan qaarkoodna rabdshado wataan ayaa maanta ka socda magaalooyin badan oo kuyaalla dalka Kenya, waxaana looga soo horjeedaa dibadbaxa socda dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne William Rutu.

Dadka dibadbaxyada dhigaya oo u badan dhallinyaro ayaa diidan sida dowladda u maareysay cabashadooda, waxa ayna ugu baaqayaan Madaxweynaha dalka Kenya iyo masuuliyiinta kale in xafiisyada banneeyaan.

Magaalooyinka Nairobi iyo Mombasa ayaa ah halka ay ka socdaan dibadbaxyada ugu  waa weyn, waxa ayna dadka dhigaya bannaanbaxa xireen qaar kamid ah waddooyinka muhiim ah, iyagoona joojiyay isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha.

Goobaha ganacsi ee kuyaalla magaalooyinka ay ka socdaan dibadbaxyada ayaa gabi ahaan xiray, waxaana goobo badan lagu daadiyay ciidamada ammaanka oo isku dayaya in kooxaha dibadbaxyada dhigaya in ay ka celiyaan in ay boob iyo dhibaatooyin geestaan.

Dibadbax maalmo kahor ka dhacay dalka Kenya ayaa lagu dilay dad ka badan 37-qof, halka tiro intaas ka badana lagu dhaawacay, waxaana laamaha ammaanka lagu dhaliilay sida ay u maareeyaan dibadbaxyada rabshada watay ee looga soo horjeeday canshuur kordhinta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shirkii Teendhada Afisiyooni oo maanta hal sabab darteed u baaqday

Cabdi Cade

Guddoomiyaha guddiga Doorashada Madaxweynaha oo goordhaw la doortay (Sawirro)

Cabdi Cade

Dr. Mutlaq Al-Qahtani oo todobaadkan ku soo wajahan magaalada Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---